Tallaabo Lagu Sugayo Xuquuqda iyo Xogta Geeridda Tahriibta Inta Lagu Jiro Socdaalka

Thursday July 31, 2025 - 13:16:55
hadhwanaagnews
Muddo dheer, tahriibku waxa uu ahaa mid ay dadku kala kulmayeen



Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland ayaa magaalada Hargeysa si rasmi ah uga furay tababar muhiim ah oo diiradda saaraya sidii loo sugi-lahaa xogta dadka ku geeriyooda inta ay ku jiraan socdaalka tahriibta, taas oo ah arrin muddo dheer indhaha laga lalinayay balse leh muhiimad bani’aadanimo oo aan la iska indho tiri karin.

Tababarkan oo loo qabtay shaqaale iyo la-hawlgalayaal ka tirsan wasaaradda iyo hay’adaha la shaqeeya, ayaa ka tarjumaya dadaal cusub oo lagu doonayo in loo helo tirakoob sugan, xog rasmi ah, iyo habraac cad oo lagu diiwaan geliyo dadka naftooda ku waaya safarada halista ah ee ay ku galaan tahriibka, gaar ahaan dhanka saxaraha iyo badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub.

Muddo dheer, tahriibku waxa uu ahaa mid ay dadku kala kulmayeen halis weyn, balse inta badan ma jirto xog sugan oo lagu kalsoonaan karo oo ka hadlaysa khasaaraha dhabta ah ee bini’aadantinimo ee ka dhasha. Dad badan ayaa si qarsoodi ah u go’aansada inay u hayaamaan nolol cusub iyaga oo wajahaya safar dheer, dhimasho, iyo dhibaato baaxad weyn, halka qoysaskoodu ay muddo dheer ku jiraan mugdi iyo hubanti la’aan.

Tallaabadan cusub ee ay qaaday Wasaaradda Dib-u-dejintu waa mid ka turjumaysa dareen mas’uuliyadeed iyo u damqasho bulsho. Waa bilow muhiim u ah dhismaha nidaam rasmi ah oo ilaalinaya xogta iyo karaamada dadka ku go’a socdaalka, waxayna dhanka kale fure u noqon kartaa qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagula tacaalo sababaha keena tahriibka.

Ugu dambayn, tababarkan wuxuu astaan u yahay in Somaliland ay qaadeyso masuuliyad qaran oo ku aaddan ilaalinta nolosha iyo karaamada muwaadiniinteeda, xitaa marka ay ka baxaan xuduudaheeda. Tani waa tallaabo lagu dhiirran karo oo mudan in laga dhigo bilow u ah isbeddel fog oo dhinaca xuquuqda tahriibayaasha ah.

     
Loading...