Saamaynta Daryeelka Bulshada:

Sunday July 27, 2025 - 09:43:05
hadhwanaagnews
Waxa kale oo ay su'aashani i xasuusisay sheekadan oo uu iiga sheekayay,,,,

Ma is waydiisay qurbahan aynu u soo haajirnay inay dhisteen dad aan Muslimiin ahayn? Maxayse tahay sababta Allah naxariistiisa caamka ah uu aduunku ugu siiyay gaalada? Siday Ila tahay waa daryeelka bulshada (Social Service) ay bulshadooda siiyaan iyagoon u eegayn halkuu ka yimid, qabiilkiisa iyo waxuu aaminsan yahay.

Su’aashan waxa igu dhaliyay maalin dhawayd ayaan soo booqday oday Somaliyeed oo da’ ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalkaa Maraykanka, xanuun aan dawo lahayna u dheeryahay. Odaygu wuxuu dalka maraykanka yimid isagoo dhaafay da’dii hawlgabka, sidaas darteed waligiis kamuu shaqayn dalka maraykanka, canshuurna muu bixin, waxase uu qaatay dhalashada dalka. Taas oo u suurta galinaysa inuu yeesho xuquuqda muwaadin kasta oo maraykan ihi leeyahay.

Odaygan waxay dawladu u qoondaysay 3 Nurse ah oo 24 saacadood isku badala mid 8 saac si loo daryeelo baahidiisa nololeed iyo tan caafimaadba.

Waxa kale oo ay su’aashani i xasuusisay sheekadan oo uu iiga sheekayay nin aanu saaxiib nahay oo reer Canada ah. Ninkani wuxuu booqasho ku tagay magaalada Muqdisdho 2023. Wuxuu ku degay hoteel. Hoteelka albaabkiisa hore ayuu wuxuu ku arkay ilma yar oo 3 jir oo sii xaluulanaya kartoon hoteelka hortiisa yaal. Wuxuu waydiiyay waardiyihii ilmahani muxuu ahaa. Wardiyihii ayaa ku yidhi halkaas ayuu ku nool yahay oo wixii aan cunayno ayaanu koombadaas wax ugu ridnaa. Wuxuu saaxibkay ii sheegay in ay hodheelka yimaadaan dad lacag leh iyo dad madax ah, hase ahaatee aanu midkoodna il naxariis leh ku eegin ilmahaas yar ee dhibaataysan. Ogow kuwnina waa Muslimiine.
Bal adigu qiyaas labadaas xaaladood.

قال صلى الله عليه وسلم : ( الراحمون يرحمهم الرحمن، ارحموا من في الأرض يرحمكم من في السماء )
Xadiiskani wuxuu tibaaxayaa in Allaha u naxariisanayo kuwa naxariista.

Somali waxa ummaddiihii caalamka ka reebay waa naxariis la’aanta dhexdooda iyo daryeel la’aanta bulshadooda.

Allaha Sahlo,
Eng. Nasir Haibe
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...