WARAR HADDA SOO DHACAY - Weerarka Yahuuda iyo Gantaalada Iran ee ka hortagay - Mareykanka oo Cabsi uxiray Safaaradiisii.

Monday June 16, 2025 - 08:05:45
hadhwanaagnews
Waxaa ay sheegeen iney burburiyay kaabayaashii


Militeriga Yahuuda ayaa goordhow qaaday Weerar Culus oo ka dhan ah Iran, kaas oo lagu bartilmaameedsaday Xarumaha Hubka.

Bayaanka kasoo baxay Militeriga Yahuuda ayaa lagu sheegay iney bartilmaameedsadeen dhowr goobood oo hubka ay kusoo saarto Iran.

Waxaa ay sheegeen iney burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha ee ay lahaayeen ciidamada Quds, ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah (IRGC), iyo ciidamada Iran ee ku sugan magaalada Tehran.

Iran ayaa sheegtay in nidaamyadda Gantaalada Difaaca ay si fir fircoon uga hortageen Weeraradda Yahuuda oo qaarkood lagu qaaday magaalooyin ay ka mid tahay Mashhad oo Waqooyi bari ka xigta Tehran, Sidaas si la mid ah Magaalada Parchin Yahuuda ayaa ku fashilantay iney duqeyso kadib markii laga hortagay.

Dhanka kale, Cabsi weyn ayaa haysata Yahuuda, dadka ayaana gabi ahaaanba guryahooda ka barakacay
Mareykanka ayaa dhanka kale ku dhawaaqay in Albaabada la isugu dhuftay Safaaradii ay Yahuuda ku lahaayeen.

Safaaradda Mareykanka ee Yahuuda ayaa ku dhawaaqday in albaabada loo laabay guud ahaanba safaarada, waxaana adkaan doonta in dadka laga daad gureeyo halkaas

     
Loading...