Tartankan ayaa kusoo dhammaaday jawi nabadgalyo leh, iyadoo dadweyne
Magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtay tartan orod oo heer caalami ah, kaasi oo ah nooca Half Marathon, iyadoo ay kasoo qaybgaleen orodyahanno ka kala yimid dalal badan oo ka mid ah Afrika.
Tartankan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland oo si weyn loo sugayay, islamarkaana qayb ka ah dhiirrigelinta ciyaaraha fudud ee gobolka, ayaa waxaa kaalinta koowaad ku guuleystay orodyahan matalayay dalka Jabuuti, kaasoo muujiyay karti, adkaysi iyo orod xawaare sare leh.
Dhinaca kale, orodyahan matalayay Somaliland ayaa galay kaalinta labaad, isagoo si adag ula tartamay orodyahannadii kale ee ka socday meelo kala duwan. Guushan ayaa ah mid muujinaysa heerka sare ee ay gaadheen orodyahannada Somaliland marka loo eego tartamada caalamiga ah ee gobolka.
Tartankan ayaa kusoo dhammaaday jawi nabadgalyo leh, iyadoo dadweyne tiro badan ay isugu soo baxeen jidka halbawlaha ah ee orodyahanu ku ordayeen, si ay u daawadaan orodka, una dhiirrigeliyaan orodyahannada.
Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda ciyaaraha Somaliland iyo marti sharaf kale oo kasoo jeeday waddamada deriska ah ayaa goob joog ka ahaa, waxayna ballanqaadeen in tartannada noocan ah la joogteyn doono si loo horumariyo ciyaaraha iyo isdhexgalka gobolka.