Goobaha la bur buriyay waxaa ka mid ah Dhismoyaal
Iran ayaa mar kale saaka Cashir udhigtay Yahuuda - Gantaalada Iran ayaa subaxnimadii hore ee saaka gaaray magaalooyinka Telebaabbiib iyo Magaalada Dekadda leh ee Xayfa, Weerarkan ayaa burburiyay guryo gaystana khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Yahuudu waxaa ay sheegeen kaliya Sedex dhimasho ah iyo dhaawaca tobaneeyo kale, laakiin dhimashada ayaa la rumeysan yahay inuu intaas ka badan yahay.
Muuqaalo laga soo duubay ayaa muujinayay dhowr gantaal oo dulmaray Telaabilb iyo qaraxyo culus oo ka dhacaa bartimaameedyo lasii qorsheeyay oo ka tirsan Magaalada la haysto ee Qudus.
Goobaha la bur buriyay waxaa ka mid ah Dhismoyaal ay dad ku noolyihiin, hoteelo iyo xarumo kale oo kaliya boqol mitir ujira Safaarada Mareykanka ee Magaalada
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay uu adeegsaday hab cusub oo sababay in nidaamyada difaaca ee lakabyada badan ee Yahuuda uu awoodi waay inuu ka hortago.
Iran waxaa ay sheegtay in Mareykanka iyo quwadaha Reer galbeedka ay Yahuuda ka garab siiyeen iney ka hortagan Weerarka Saaka laakiin ay awoodi waayeen.
Saraakiisha Isr4L ayaa ku celceliyay in nidaamkooda difaaca uusan ahayn mid 100% shaqeynaya.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa Warisay in Yahuudu qiratay ku dhawaad labaatameeyo dhimasho ah halka Iran ay sheegtay in 224 ay kaga dhinteen Weerarka uga yimid Yahuuda.