Saxafiyiinta AFP ayaa soo sheegay in galabta ay maqleen qaraxyo,,,,
Qaraxyo cusub ayaa maanta oo Axad ah laga maqlay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan, iyadoo ciidamada cirka ee Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha ay ka geysanayaan guud ahaan dalka Iiraan.
Arrintan ayaa ku soo beegantay saacado ka dib markii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay duqaymo baaxad leh ku qaadday Israa’iil, taas oo noqonaysa maalintii saddexaad oo xidhiidh ah oo dagaal aan hore loo arag oo u dhexeeya labada waddan.
Saxafiyiinta AFP ayaa soo sheegay in galabta ay maqleen qaraxyo cusub oo ka dhacay caasimadda Iiraan.
Warbaahinta maxalliga ah, oo ay ku jiraan wargeyska Ham Mihan iyo Khabar Online, ayaa sheegay in nidaamyada difaaca hawada laga hawlgaliyay galbeedka iyo waqooyi-galbeed ee Tehran "si looga hortago weerarro cusub."
Milatariga Israa’iil ayaa dhankiisa sheegay saakay in ay duqeeyeen "in ka badan 80 bartilmaameed" oo ku yaalla Tehran xalay.