Agaasimaha Kastamka Dekeda Berbera Axmed Cabdiraxmaan oo warbixin siinayay wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland oo booqday Dekeda Berbera ayaa tilmaamay in ay joogaan Markab iyo sadex Doomood oo waawayn kuwaasi oo Qaadaya Xoolo gaadhaya 30,kun oo Neef oo Adhi ah waxaanu yidhi
"Haddii aan caawa Xoolaha baxaya warbixintooda idiin soo koobo, caawa waxa baxay Markab wayn oo qaadi doona labaatan kun iyo boqol iyo toban Neef oo Adhi ah iyo sadex Doonyood oo kala qaadaya araf kun boqol iyo lix iyo todobaatan iyo afar kun boqol iyo sideed iyo sideetan Neef oo Adhi ah, waxaanay noqonaysaa bilaw aynu wakhti dhaw geli doono badhtankii, waxaanu rajaynayanaa dhawaan inuu kor-u-kac ku yimaado dhoofka Xoolaha.
Dhinaca kale Agaasimaha Kastamka Dekeda Berbera ayaa wasiirka iyo masuuliyiintii kale u sheegay in ilaa hadda qiyaasitii ay Dekeda Berbera ka dhoofeen Xoolo lagu qiyaasay 700,000 oo Neef oo Adhi ah waxaanu sheegay
"ilaa hadda inta Xoolo Dekeda ka dhooftay waa Xoolo lagu qiyaasi karo ilaa todobada boqol oo kun oo Neef iyada oo aanay weli dhawayn”.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in hadda ay bilaw tahay balse wakhti dhaw ay filayaan in uu kor u kaco suuqa iibsiga Xoolaha iyo dhooofintoodu, maadama lagu jiro wakhtigii u diyaar-garawga Ciida Carafa.