Waqti dhowr saacadood ah sabtidan maanta, Juun 7, 2025, internet-ka Waqooyiga Kuuriya ayaa gebi ahaanba go’ay, taasoo keentay in dhammaan xidhiidhkii internet-ka ee dalka laga waayo, oo ay ku jiraan mareegaha dowladda, wakaaladaha wararka rasmiga ah, iyo adeegyada email-lada.
Junade Cali, oo ah cilmi-baadhe Ingiriis ah oo la socdo kaabayaasha internet-ka Waqooyiga Kuuriya, ayaa sheegay in dhammaan shabakadaha internet-ka ee dalka kuuriyada Woqooyi, kuwa ka yimaada Shiinaha iyo Ruushkaba ay si lama filaan ah u go’een.
Wuxuu xusay in sababta ay u badan tahay in ay tahay arrin gudaha ka timi, halkii ay ka ahaan lahayd weerar cyber ah.
Waqtigaas, mareegaha muhiimka ah sida wakaaladda wararka KCNA, jariidadda Rodong Sinmun, wasaaradda arrimaha dibadda, iyo shirkadda diyaaradaha Air Koryo ayaa laga waayay internet-ka. Adeegyada email-ka iyo DNS-yada dalka ayaa sidoo kale la sheegay in ay jabeen.
Inkasta oo sababta saxda ah ee ciladda aan la xaqiijin, haddana cilmi-baadhayaashu waxay tilmaamayaan in ay u badan tahay cilad farsamo oo gudaha ah.
Waqooyiga Kuuriya waxay leedahay nidaam intranet ah oo la yidhaahdo Kwangmyong, kaas oo gebi ahaanba ka gadoonsan internet-ka caalamiga ah, waxaana si adag u maamula dowladda.
Ilaa duhurnimadii sabtidan maanta ee xilliga kuuriyada Woqooyi, adeegyada qaar ayaa bilaabay in ay si tartiib ah u soo laabtaan, balse sababta rasmiga ah ee ciladda wali lama shaacin. Mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed ayaan iyaguna weli ka hadlin arrintan.