Shiinaha ayaa ku
dhawaaqay booqasho naadir ah oo uu dhowaan ku iman doona Kuuriyada Waqooyi.
Raiisel wasaare ku
xigeenka Shiinaha Liu Guozhong ayaa booqan doona Kuuriyada Waqooyi usbuucan si
uu uga qaybgalo dhoola-tus milatari oo u ay ugu dabbaaldegayaan sannad-guurada
shan iyo toddobaatanaad ee dawladda ku hubaysan hubka Nukliyeerka.
Kuuriyada Woqooyi waxay
ahayd waddankii ugu horreeyay ee xidha xudduudaheeda, bilowga masiibada corona
waxayna bilaabaysaa oo keliya inay dib u bilowdo duullimaadyadii ganacsi ee
caadiga ahaa iyo ganacsigii ay la lahayd deriskeeda Shiinaha.
Waxaa isa soo taraya
wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim
Jong Un, uu dhawaan booqan doono Ruushka – lagana yaabo inuu kala hadlo heshiis
ku saabsan in Pyongyang ay hub siiso Moscow.