Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Amb Maxamed Cali Aw Cabdi oo ka qayb galay munaasibada ay ku qalin jabinayaan 106 hablood Machadka tababarka macalimiinta Somaliland ayaa aad ugala dardaarmay qishka iyo saamaynta uu ku yeesho waxbarashada dalka, waxaanu ku tilmaamay ogolaanshiyaha qishku inuu yahay dalkii oo la duminayo
Waxaanu yidhi "Wasaaradda iyo xafiiska Imtixaanaadku baryahan danbe waxa ay ku hawlanaayeen Qishka, inaga ilaaliya Qishka waddankana aynu ka ilaalino, Qishku waa hooyada baaba’a waxbarashada, haddii macalinku u ogolaanayo ardaygu inuu qisho, ogsoonaada waddanka ayaynu duminaynaaye”.
Dhinaca kale madaxwayna ku xigeenka Somaliland ayaa wasaaradda waxbarashada ku bogaadiyay tirade intaasi le’eg ee hablaha ah eek u guulaytey inay qalin jabiyaan, waxaanu kula dardaarmay inay ku dedaalaan barbaarinta carruurta
Waxaanu yidhi " Maanta jidka aan qaadney ee aan wasaaradda waxbarashada ku hambalyeynayo, gabdhahaa 106-da ah ee dufcadii sadexaad ah, ee ka soo baxaya Machadka tababarka macalimiinta, waddanka Somaliland waxay ugu fadhidaa qiimo wayn oo aan la soo koobi karin.
Gabdhaha macalimiinta ah waan bogaadinayaan, waan ku hambalyeynaaa, waanan u ducaynayaa, sideedaba gabadhu haddii ay reer leedahay iyo haddii kaleba Barbaarinta iyaga ayaa Haweenku inoo qaabilsan.
Waxaanu idinka sugaynaa ilmaha aad soo saaraysaan inuu noqdo ilmo dhisan oo xaga waxbarashada iyo Barbaarintaba ka dhisan inuu noqdo ayaanu idinka filaynaa”.
Amb Maxamed Cali Aw Cabdi madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa tilmaamay in wakhtiyadan danbe ay waxbarashadii dalku hoos u dhacday, waxaanu ku taliyay in kor loo soo qaado
Waxaanu yidhi "Baryahan danbe runta marka aan isku sheegno, waxbarashadeenii. Wasaaradii way joogtaa, waalidiintii way joogaan, Machadii wuu joogaan, macalimiintan cusubna way joogaaen hoos bay u dhacday, aynu sare u soo qaadno waxbarashadeena”.
Gebo’gabadii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay in horumarka waddanku ku xidhan yahay tayanta waxbarashada dalka, waxaanu ku taliyay in la tayeeyo waxbarashada
Waxaanu yiodhi "Haddii aynu rabno in waddankeenu adduunyadda ka qayb qaato oo horumar aynu gaadhno, waxa ay ku xidhan tahay sida aynu waxbarashadeena u tayayno, halka laga soo bilaabayaana waa Iskuuladda hoose dhexe, haddii halkaasi aanay dhisnayn, dugsiyadda sare waxa imanaya, ilom aan dhisnayn oo wakhtiga uun ku dhameeya”.