Prof Lamumba oo qisadan la wadaagay madaxwayanah Somaliland
Patrick Loch Otieno Lumumba waa Aqoonyaha reer Kenya ah,isla markaana caana ka ah guud ahaan caalamka iyo Afrikaba, waxaa u ka qayb galay munaasibada xuska 18-ka May oo lagu qabtay magaaladda Nayroobi, halkaasi oo wefti uu madaxwaynuhu hogaaminayo ay job joog ahaayeen , ayaa Prof Lamumba waxa uu ka sheekeeyay isaga oo ku hal qabsanaya madaxwaynaha qiso uu Hargaysa kula kulmay markii u horeysay ee uu yimaad Somaliland.
Prof Lamumba ayaa aad ula tacajabay lacagta Somaliland ee Suuqyadda Hargaysa wadhan iyada oo aanay jirin cid hub ku ilaalinaysa, waxa iyadna qariib ku noqotay in muwaadiniinta safirleyaashu ay wakhtiga saladu gaadho ay ka tegayaan lacagta oo jidka taalla.
Prof Lamumba oo qisadan la wadaagay madaxwayanah Somaliland iyo dadkii ka oo qayb galay madasha ayaa waxa uu yidhi sida tah:-
" inta aanan madaxwayne kuu sii wadin arrinta Jaamacadda, aan kuu sheego sheeko yar oo xiiso leh, Markii iigu horeysay ee aan booqdo Hargaysa, waxa aanu tageynay jidadka ay safirleyaashu ku sarifaan lacagta, waxay ka tagayeen lacagta, waxaanay tagayeen Masaajidka si ay u soo tukadaan, iyada oo aan cid u ilaalinaysaa jirin, waxaanan u sheegay in aanay isku dayin inay ku sameeyaan sidan oo kale meel kale oo ka mid ah Afrika, maxaa yeelay heli maayaan lacagta oo halkeedii taalla”.