Somaliland Waa Dhimbiil ka Ifaysa Gobol Madaw oo Colaado Rafaadiyeen" Amb Kaysar Cabdilahi

Thursday May 15, 2025 - 13:44:22
hadhwanaagnews
Danjiraha oo arrimahaasi ka hadlayayna wxa uu yidhi "Waxaan



Danjiraha Somaliland u fadhigay xarunta Midawga Yurub Kaysar Cabdilaahi oo dalka Bortaqiiska kaga qayb galay shir muhiim ah oo lagag doodayay aayo ka talinta ay ummaduhu u leeyihiin inay gaar isu taagaan, madax bannaanidoodana ay yeeshaan, ayaa tilmaamay in shirkaasi uu u bandhigay Jamhuuriyadda Somaliland, Taariikhdeeda, nabadgelyadeeda, Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah ee ay ku talaabsatay.

 

Danjire Kaysar Cabdilaahi ayaa sheegay in shirkaasi khubaradii ka soo qayb-gashay ay aad uga hadleen Somaliland iyo gooni isu taageeda, sidoo kalena ay ka marag kaceen in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa inuu dal buuxiyo.

 

Danjiraha oo arrimahaasi ka hadlayayna wxa uu yidhi "Waxaan ku suganahay gobolka Madeira ee dalka Bortaqiiska, waxaan u imi in aan kaga qayb galo shir aad muhiim u ah oo lagaga doodayay arrinta aaya ka talinta ay ummaduhu u leeyihiin xaq inay gaar isu taagaan, madax bannaanidoodana ay yeeshaan, rabi-taankooda ay ku socdaan.

 

Waaan shirkaasi ka soo jeediyay khudbad ku saabsan Jamhuuriyadda Somaliland, Taariikhdeeda, 34 sanadood oo nabadgelyo ah, dimuqraadiyad ah iyo in aanu nahay dal jiray oo si iskaa ah ula midoobay Soomaaliya , kadibna muddo 30 sano uu oo dhibaato ah darteed ah aanu dib ula soo noqonay dawladnimadeenii, Somaliland aanay ahayn dal imika dal kale ka go’aya balse ay tahay dal la midoobay Qaran kale.”

 

Danjire Kaysar Cabdilaahi ayaa sheegay in shirkaasi khubaradii ka soo qayb-gashay ay aad uga hadleen taariikhda waxaanu yidhi "Run ahaan dhammaan waxa ay isku raacsan yihiin oo cid kasta oo arrinta Somaliland ka hadashaa ay tilmaamaysa, Somaliland inay buuxisay dhammaan shuruudaha Qaran lagu noqdo ee u dagsan Qaramada Midoobay, sidoo kale Somaliland inay leedahay xuduudo cayiman, dad iyo xukuumad awood leh oo heshiis la gali karta wadanka ay doonto.

 

Aqoonsiga Somaliland waa arrin siyaasadeed, laakiin ma jirto shuruud ka hor istaagi karta in la Ictiraafo Somaliland, maxaa yeelay dhammaan shuruudihii way buuxisay, Somaliland waa dhimbiil ka ifaysa gobol madaw oo colaado iyo dhibatooyin ay rafaadiyeen”.

 

Danjiraha Somaliland u fadhiya Midawga Yurub ayaa ka sheekeeyay qiso ka dhacday shirkaasi uu ka qayb galay, taasi oo ah in Barfisoor Maraykan ah uu madasha kaga dooday madax bannaanida Somaliland isaga oo aan la ogayn in cid ka socota Somaliland goobta ku sugan yihiin, waxaanu yidhi "Barfisoor Timothy WWilliam Waters oo ah Barre sare oo Maraykan isla markaan wax ka dhiga Jaacadaha Maraykanka ugu caansan "Indiana University” oo ku qornaa shirka inuu khudbad ka jeediyo ayaa diyaaradu la soo habsaantay, balse markii uu yimi ayaa uu ka waramay in uu jiro dal Somaliland la yidhii oo dhawaan la Aqoonsan doon, Maraykanka iyo dalal badana ay hadal hayaan.

 

Wadanka ugu soo dhaw ee dhawaan la Aqoonsan doonaana uu Somaliland yahay balse Barfisoorkaasi ma filayn in Somaliland cid ka socotaa ay ku sugan tahay shirka, gaar baanu u kulanay waxaanu sheegay in Somaliland la Aqoonsanayo oo ay sababayso xaaladaha hadda dunidu gashay iyo goobta muhiimka ah ee ay ku taallo”.

     
Loading...