Waddaniyada Ardayda Reer Somaliland iyo 18-ka May

Wednesday May 07, 2025 - 16:20:07
hadhwanaagnews
Goobaha ganacsiga, gaadiidka dadwaynaha, jidadka magaalooyinka,...



Bilawgeeda waxa lagu gartaa bilicda iyo soo jiidashada calanka Tawxiidka leh oo meel kasta ka ba’banaya, taasi oo aad dareemayso in ay jiraan munaasibado farxadeed oo iyo waxyaabo bulshadani ku wayn oo gaar u ah.

 

Wakhtiyada ay bilaabanto waxa aad arkaysaa bulsho aan markii hore goobaha munaasibadaha isugu iman jirin oo had iyo jeer soo buuxinaya, isla markaasina farxada iyo damaashaadka ku wada qaadanay.

 

Goobaha ganacsiga, gaadiidka dadwaynaha, jidadka magaalooyinka, xarumaha dawlada iyo bulshaduba waxa ay muujinayaan in ay jiraan wax ka duwan waxayaabaha caadiga ah iyo in la gaadhay wakhti muhiim u ah bulshada iyo dalkaba.

 

Waa curashada bisha May oo Somaliland u ah maalin ka duwan maalmaha kale, waa wakhti gaar u ah calanka, waddaniyada iyo muujinta dalk jacaylka dad iyo duunyaba, sidoo kale waa soo bandhigida jiritaanka iyo qadiyada bulshada inay ka dhabbeeyaan halka ay u socdaan.

 

Waa laga dharagsan yahay 18 may iyo kaalinta ay ugu jirto bulshada reer Somaliland balse qalinkeyga waxa aan maanta ku tilmaamin doonaa waddaniyadda iyo dal jacaylka barbaarta wax ka barta Dugsiyada dalka, kuwaasi oo bilawga bishan ku ibo-furay xiiso iyo jacayl calankooda iyo ciidooda ah.

 

Bilawga bishan May waxa indhaha bulshada qabsaday ardayda Dugsiyada kala duwan ee dalka oo ah ku labisan calanka Somaliland ee bidhaanta qurxoon, oo marka ay si siman safka u saxaan calankana wada hagoogtaan indha aad u soo jiidanay.

 

Waxa intaasi raaca oo aad ka dheehanaysaa wajiyadooda qiirada waddaniyadda iyo dal jacaylka dushooda ka muuqda iyo sida ay ugu riyaaqayaan inay bishii May u bilaabantay, kuna faraxsan yihiin muujinta Qaranimada iyo kor-u-qaadista calanka Tawxiidku ku xardhan yahay.

 

Waxa bulshada aad u cajab galisay macalimiinta iyo masuuliyiinta Dugsiyada Jamhuuriyadda Somaliland oo dhankood aad ugala qayb qaadanaya, kuna dhiirigalinaya ardaydu inay si aad ah u muujiyaaan in wakhtigan uga duwan yahay wakhtiyada kale.

 

Bishan May ee 34 guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada madax banaanida Somaliland barbaarta Dugsiyada wax ka barata, macalimiinta iyo wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta Somaliland bulshadu aad bay ula tacajabtay muujinta Qaranimada iyo xuska 18 May.

     
Loading...