Maamulka Gobolka Daad-madheedh oo Gubey Beero Sifo Sharcidarro ah loo ootey

Wednesday April 23, 2025 - 11:17:46
hadhwanaagnews
Masuuliyiintaas ayaa waxay kula dardaarmeen in Dadkaasi



Maamulka Gobolka Daad-madheedh iyo ka Degmadda ood-weyne ayaa Deegaanka Daba-gorayaale ka fuliyey olole lagu burburinaayey Seerayaasha sida sharci dradda ah la iskaga ooto.

 

Guddoomiyaha Gobolka Dada-madheedh Cabdiraxiim Cumar Axmed, Duqa Degmadda Oodweyne Ibraahim Qasaal Rooble iyo Isu-duwayaasha wasaradaha Beeraha iyo Deegaanka, xildhibaan Xamse Aargude kana tirsan Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Degmadda Oodweyne oo kaashanaya Ciidanka Booliska Somaliland Gobolka Daad-madheedh iyo Guddida horumarinta Deegaanka Dabo-goryaale ayaa Deegaankaasi ka bilaabey howlgal balaahan oo lagu baabiinaayo in ka badan 100 Seerayaal sida sharci darada ah la iskaga ootey iyo goobaha dhuxuleysatadu dhuxusha ka soo shidaan oo la burburiyey, kuwaasi oo ka sameysnaa Magaaladda Dabo-goryaale ee Gobolka Daad-madheedh iyo Deegaanadda hoos yimaadaba.

 

Masuuliyiintaas ayaa waxay kula dardaarmeen in Dadkaasi ka waantoobaan seerayaashaasi sharci darada ah iyo Dadka dhuxuleysiga Deegaankaasi ka wado,waxaanay masuuliyiintaasi ku wargaliyeen in talaabo ku haboon ka qaadi doonaan Dadkaasi oo iskugu jiri doonta xadhig iyo Ganaaxyo kala duwan.

 

Isu-duwaha Wasaradda Deegaanka ee Gobolka Daad-madheedh ayaa sheegay in Deegaanka Dabo-goryaale Wasaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimiladda ugu qoran tahay Dhul daaqsimeed oo ah Dhul la wado leeyahay,balse aanay u Wasaraddaasi ugu talogalin in Deegaankaasi laga sameeyo Dhul beereed.

 

Sidoo kale isu-duwuhu xusey in Seerayaashaasi sharci darada ahi sababeen Nabadgalyo daro bulshadii isku qabsadaan Seerayaashaasi, arrintaasi oo waxyeelo geysaneysa bulshada Deegaankaasi wado noolaanshaheedii.

 

Isu-duwuhu waxa uu bulshada ku wargaliey in ka wasaarad ahaan talaabo ka qaadi doonana Qofkii dambe ee isku daya in Dhulkaas soo banaayeen Seerayaal dambe ka sameysta.

 

     
Loading...