Daraasado ay sameeyeen Jaamacado waawayn iyo machado...
Waa silsilad ka kooban 4 buug , buugaagtan waxaa qoray DR WALIID AHMED FATIIXI , Waxaana afkeena hooyo u turjumay KHAALID CIISE XAAJI NUUR .
Dhiganahani wuxuu isku dayayaa inuu cilmigii maadiga oo waliba " Psychology " ahaa iyo cilmigii diiniga ahaa isku xiriiriyo masala kastana uu Kuugu fariisiyo labadaas oo wada socda isaga oo soo daliishanaya xaga culuumta .
Daraasado ay sameeyeen Jaamacado waawayn iyo machado ,sidoo kale Buugan wuxuu anfacayaa qofkasta oo raba inuu bilaabo akhriska ama Dananynaya inuu akhriste noqdo, iyo qofka doonayo inuu akhriska fahan ka Qaato waxyaabaha maadiga iyo waxyaabaha diiniga , Qofka doonayo inuu Wax ka fahmo " psychology ".
Waana biig ufudud akhristaha oodan ku merganayn mawduucuu ka Hadlayona siyar oo fudud kuu fahansiinaya, waana mid kamid ah buugta akhriska lagu bilaabo.
Buuga JIRAALKAY 3
Wuxuu sigaara ula dagaalamyaa ananniyada iyo isla waynida , waxaana uu Saqiirinaya ahaanshiyaha beenta ah , ismood siiiska uu qofku isku arko wax aanu ahayn inuu yahay , waxaana uu quwaynayaa ahaanshiyaha dhabta ah ee ilaahay ( SWT ) qofka ku abuuray ,guud ahaan buugu qodobadaas ayuu Xambaarsanyahay.
waydiimaha uu buugani ku waydiinayo una baahan inaad sidii saxda ahayd inaad uga jawaabto waxa ka mid ah : -
1:- kumaan ahay anigu ?
2:- ma waxaan ahay aaminaada iyo fikirkayga ?
3:- ma cilmiga aan bartay iyo shahaadadeyda ayaan ahay ?
4:- ma xirfada aan leeyahay iyo khibradeyda ayaan ahay ?
5:- ma boqornimada iyo hantideyda ayaan ahay ?
6:- ma waxaan ahay taariikhda qoyskayga iyo reerkayga ?
7:- mise waxaan ahay kaalinta aan bulshada kaga jiro, xilka aan hayo iyo xasaanada aan huwanahay ?
8:- ma xiriidhadeyda ayaan ahay ?
9:- mise waxaas oodhan ma ihi , mise waan wada ahay ?
10:- hadaba kumaan ahay ?
Ahaanshiyaha beenta aha ee intaasoo dhan qofku ismoodsiinayo ayuu meessha ka saarayaa oo saqiirinayaa , wuxuuna soocelinayaa ahaanshiyaha saxda ah ee qodka bini aadamka ah wuxuu yahay ay tahay inuu ku sifaysnaado oo uu ku ekaado
Sidoo kale wuxuu buugan sigaara u falanqaynayaa qadarka, si fududna ugu dhowaynayaa dadka doonaya inay xaga maadiga iyo xaga diiniga wax ka fahmaan , siduuu ushaqeeyaa qadarku , maxay kala yihiiin qadarka iyo qadaagu
Waana qodobada ay falsafadu ka hadasho waana masalad ubaahan waqti badan si looga bixiyo sharaxaad ku filan .
Sidoo kale buugan wuxuu falanqaynayaa dhibaatooyin badan aynu la daalaa dhacayno , waa huug kaaga filan inaad ka fahanto ciwaanaduu ka hadlayo dhan maadi ahaan iyi dhan diiini ahaanba.
Maan