War-bixin laga Qoray Horu-Socodka Marsada Berbera iyo Tartanka mandaqada

Thursday April 10, 2025 - 13:39:18
hadhwanaagnews
Marka laga tago dalalka gobolka, dalalka kale



Warbixin ay daabacday warbaahinta the Africa report ayaa lagu sheegay in dekedda magaalada Berbera oo baryaha qaar aan dunida laga aqoon ay isku bedelayso mid ka mid ah buqcadaha ganacsiga badaha ee adduunyadu ku tartanto.

 

Warbixintan oo ay soo tarjuntay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay in dekedda Berberi sannadihii u danbeeyay soo jiidatay dalal badan oo shisheeye ah kuwaasoo u hanqal taagaya inay galgalaad iyo saamayn ku yeeshaan dekedda Berbera oo albaab u ah mid ka mid marinnada caalamiga ah ee Maraakiibta.

 

Marka laga tago dalalka gobolka, dalalka kale ee tartanka ugu jira Berbera waxa ka mid ah Hindiya, Shiinaha iyo Ruushka oo sahaminaya fursado ay ku samaystaan joogitaan rasmi ah oo dhaqaale ama millatari.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa tartanka noocan ah u aragta fursad dahabi ah sida uu sarkaal sare oo xukuumadda ka tirsani u sheegay warbahinta Africa Report.

 

Masuulkan ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan maalgalinta lagu samaynayo dekedda iyada oo la ixtiraamayo madaxbnnnaanida Somaliland.

 

Sida lagu sheegay warbixinta Africa report, Somaliland ayaa dhankeeda dekedda Berbera ka dhigtay meel ay fikir iyo maalba galisay oo xuddun u ah istaraatijiyaddeda diblomaasiyadeed iyo teeda dhaqaale.

 

Iyada oo marinnada maraakiibta ee gobolku ay noqdeed qaar nugul oo ay ugu wacan tahay xasillooni la’aanta mandaqadda awgeed, ayaa lagu yidhi warbixinta, meesha ay ku taallo Berbera ayaa noqotay meel istaraatiji ah oo aan lahayn khatarta amni ee ay leeyihiin Kaanla Suways iyo badweynta Hindiya.

 

Dawladda Imaaraadka carabta ayaa qaadday tallaabadii ugu horraysay iyada oo boqollaal milyan oo Doollar ku maalgalisay dekedda Berbera iyada oo u sii dhex maraysa shirkadda DP World, si ay u ballaadhiso isla markaan u casriyayso dekedda.

     
Loading...