Booliiska JSL oo Gacanta ku Soo Dhigay Nin ku Eedaysan Dil ka Dhacay Galbeedka Berbera

Thursday May 22, 2025 - 13:01:31
hadhwaangnews
Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ka soo baxday



Ciidammada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Saaxil, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Cabdilaahi Maxamed Cabdilaahi, oo ku eedaysan dilka Marxuum Ismaaciil Cabdi Jaamac oo ka dhacay duleedka Galbeed ee Magaalada Berbera.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ka soo baxday ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxana lagu xusay in hawlgal degdeg ah oo ay sameeyeen ciidanka Booliska Saaxil lagu guulaystay gacan ku dhigista eedaysanahaasi.

"Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Cabdilaahi Maxamed Cabdilaahi, kaasi oo ku eedaysan dilka Marxuum Ismaaciil Cabdi Jaamac oo ka dhacay duleedka Galbeed ee Magaalada Berbera, Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Cabdilaahi Maxamed Cabdilaahi, kaasi oo ku eedaysan dilka Marxuum Ismaaciil Cabdi Jaamac oo ka dhacay duleedka Galbeed ee Magaalada Berbera”

Gabagabadii, Ciidanka Boolisku waxa ay intaas ku dareen in eedaysanaha loo gudbin doono Hay’adaha garsoorka dalka.

     
Loading...