Waa kuma Sheekh Dandaawi, ninka ku caan baxay qaadista qasaa'idka nabi amaanka

Saturday March 15, 2025 - 08:49:25
hadhwanaagnews
Waxaa uu ka sheekaynayaa waayihiisii nololeed iyo heerarka kala duwan



Cabdiraxmaan Sheekh Dandaawi oo kamid ah fanaaniinta caanka ku ah qasaa'idka nabi amaanka iyo kuwa Ramadaanka ayaa uga waramay BBC waayihiisii nololeed iyo xarunta uu ugu magac daray "maqaamka" ee muddada dheer uu soo fadhiyay isaga oo ka dhaxlay Aabihiis.

 

Hadda waxaa uu u diyaarinayaa wiilkiisa inuu sidiisa oo kale ugala wareego qasaa'idda uu sameeyo, uuna noqdo mid buuxiya booskiisa.

 

Goobta ay ku sameeyaan qasaa'ida ayaa ku taala xaafada karte Seet ee caasimadda Jabuuti, halkaasi oo aan ku booqanay.

 

Waxaa uu ka sheekaynayaa waayihiisii nololeed iyo heerarka kala duwan ee ay ka soo mareen goobta fadhiga u ah ee ay ku sameeyaan nabi amaanka iyo qasaa'idda kale ee Ramadaanka.

 

''Maqaamkayaga Karte zet ayuu ku yaalaa, waxaan bilownay fadhigiisa1992-dii ilaa maanta, Illaahay ayaan ku mahadinaa. Qasaa'idka wakhtigii aan bilownay waxa ay ahayd 1999, wakhtigii ugu horreeyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ee madaxtooyada ayaan anaguna qasaa'idka soo galnay''.

 

Taariikhda Bilowgiisii Qasaa'idka

Waxaa uu sheegay 1999-kii inay wada bilaabeen isaga iyo saaxiibkiis Cumar Aadan Bogsiiye, isaga oo xusay cumar uu ahaa mid sidiisa oo kale ku xeeldheeraa qaaditaanka qasaa'idda. Waxaa ay kala baxeen sanadkii 2003 oo midba dhiniciisa uu si gaar ah u sameynayay qasaa'idka.

 

Qasaa'idka ay sameeyaan ayaa Dandaawi sheegay dadku inay uga barteen xilliyada Ramadaanka, iyada oo noqotay wakhti ay sugaan.

 

''Maqaamkan waxa uu jiraa 80 sano, aabahay ayaa fadhin jiray, annagu waa yar-yarayn, aabahay waxaa uu ka qaatay sheekh Jaamac oo reer Diridhaba ahaa. Aabahay diridhabo ayuu ka soo wareegay oo halkan Jabuuti ayuu u soo wareegay, 77-dii ayaan halkan u soo wareegnay, 1992-dii ayaan shaqada bilaabay'' ayuu yiri Dandaawi.

 

Dandaawi ayaa xusay inuu ku soo garaadsaday iyada oo qasaa'idda la qaadayo, uuna u dhagaysan jiray sida uu hadda wiilkiisa oo dhinac fadhiya u dhagaysan jiray.

 

'' Maanta wiilkayga ayaa diyaar ah, wuu qaadaa qasaa'idka oo kuwa aan u sameeyay ayuu qaadaa tababarkeedii ayuu ku jiraa ayuu yiri Dandaawi.

 

Laxamada qasaa'idda ay ka sameeyaan ayuu sheegay inay la mid yihiin sida kuwa heesaha caadiga ah ee suugaanta Soomaalida.

 

''Dadkii naga horeeyay aabayaasheen iyaga ayaa sameysan jiray salliga, waxaa ay u qaadi jireen siiqad, siiqadii baan dhagaysanay, kolkaa tii baan anaguna hagaajinay oo waxaa kamid ah iminka – YAA NABII SALAAM CALAYKA, YAA RASUUL SALAAM CALAYKA, YAA XABIIB SALAAM CALYKAA, SALAWAATULAA CALAYKAA'' ayuu yiri Dandaawi.

 

''Inta badan abwaano ayaan leenahay, inamo reer Jabuuti ah oo abwaankayaga ugu weyn waxaa uu ahaa Maxamuud oo ku magac dheer Daa'uus, waxaa kale oo ka mid ah Dr Ababe oo isaguna qasaa'idka inoo sameeya, abwaanka weyn Cabdiqeys ayaa isaguna ka mid ah'' ayuu sii raaciyey.

 

Qasaa'idda ay abwaanadu u sameeyeen ayuu sheegay inay ka mid yihiin ''Inta dhagax ku tuureen nabiga, inta dhaawac yeeleen nuurkii, ineey dhiig ka daadsheen''.

 

Faa'iidooyinka ay ku hayaan sameynta qasaa'idda ayuu sheegay inay tahay dhagaysiga dhallinyarada, gaar ahaan xilliyada Ramadaanka, iyada oo Jabuuti qasaa'idiisa iyo tan Cumar la dhagaysto wakhtigaas iyo sidoo kale xilliyada uu mowliidku ka mid yahay.

 

Waxyaabaha kale ee fadhigooda ay ku sameeyaan wakhtiyadan ayuu sheegay inay ka mid tahay qur'aan akhriska oo ay 10-kooda wada jooga ay Khamiis kasta ku dhameeyaan 30-ka Juz ee qur'aanka oo midkiiba uu akhriyo 3 Juz.

 

Marka laga yimaado Jabuuti meelaha kale ee dhulka Soomaalida ayuu sheegay inay ku soo qaadaan qasaa'idda, sida dhowaan oo ay tageen Xiis iyo Maydh, ayna u hartay Muqdisho oo ay dhowaan rajaynayaan inay tagaan.


bbc/somali

     
Loading...