Qiimaha dahabka oo hawada isku shareeray, shidaalka oo jabay iyo suuqa crypto-da oo hoos u dhacay

Saturday March 15, 2025 - 07:16:30
hadhwanaagnews
Wadanka Ruushka aya bilaabay isticmaalka Bitcoin, Ethereum



Qiimaha dahabka ayaa markale sare u kacay, halka ounce ee dahabka ah ayaa gaadhay $3,004. Waana qiimihii ugu sarreeyay ee uu abid gaadho, qiimaha halka gram ee nooca looyaqaan 24K ayaa halka garam yahay $96.

 

Wadanka Ruushka aya bilaabay isticmaalka Bitcoin, Ethereum, iyo stablecoins si uu ugu iibiyo saliidda uu u dhoofinaayo Shiinaha iyo Hindiya, isaga oo uga danleh in uu ka fogaado cunaqabataynta dhaqaale ee uu wajahayo.

 

Maamulka Trump ayaa doonaya In ay iibsadaan Bitcoin badan, sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in maamulka Trump uu qorsheynayo inuu ay uruursadaan Bitcoin badan, waxaa uu intaas ku daray in aysan doonayn waxa in ay ka iibsadaan miisaaniyadda Maraykanka.

 

Qiimaha lacagaha crypto-da oo baryahanba hoos u dhac la kulmaayey ayaa 24 saacadood ee la soo dhaafay kor ukac kooban sameeyey.

     
Loading...