*Maxaa Yurub Uga meel Yaalla?
Dalalka Yurub waxay si weyn uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyadda.
Marka dal uu ku kaco xasuuq ama tacadiyo culus oo ka dhan ah xuquuqda insaanka, waxaa jira talaabooyin kala duwan oo ay qaadaan:
*Maxaa Yurub Uga meel Yaalla?
- Nidaamka Cunaqabataynta Xuquuqda Insaanka: Midowga Yurub (EU) wuxuu leeyahay nidaam rasmi ah oo lagu cunaqabateeyo shakhsiyaadka iyo hay’adaha ku lugta leh xadgudubyada xuquuqda aadanaha, sida xasuuqa, jidhdilka, dilka aan sharciga ahayn, iyo xabsi aan sabab lahayn.
- Cunaqabatayn Dhaqaale & Socdaal: Waxaa lagu soo rogaa xayiraad safar, xayiraad hantiyeed, iyo mamnuucid in la siiyo taageero dhaqaale ama agab.
- Taageero Diblomaasiyadeed: Dalalka qaar waxay aqoonsadaan dowlad ama qaran si ay u muujiyaan taageero siyaasadeed, sida aqoonsiga Falastiin.
*Maxay Sameeyaan Haddii Dal Xasuuq Sameeyo?
- Cunaqabatayn Siyaasadeed & Dhaqaale: EU waxay joojisaa heshiisyada ganacsi, taageerada dowladda, ama xidhiidhka diblomaasiyadeed. Tusaale ahaan, waxaa la soo jeediyay in la joojiyo heshiisyada ganacsi ee Israiil sababo la xidhiidha xasuuqa ka socda Gasa.
- Ka Saaridda Tartannada Caalamiga ah: Dalalka Yurub iyo hay’adaha sida UEFA iyo FIFA waxaa lagu cadaadiyay in ay ka saaraan Israaiil tartanada ciyaaraha, sida dhacdadii laga saaray Ruushka kadib duulaankii Ukraine.
- Aqoonsi Siyaasadeed oo Isku Dayaya Cadaadis: Dalal Yurub ah ayaa bilaabay aqoonsiga Falastiin si ay u muujiyaan cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah xasuuqa.
*Tusaale Dhawaan Ah: Israaiil & Gasa:
- UN & Amnesty International waxay ku eedeeyeen Israaiil in ay xasuuq ka waddo Gasa.
- Dalal Yurub ah sida Spain, France, UK, Canada, Australia iyo qaar kale o badan ayaa bilaabay aqoonsiga Falastiin ama talaabooyin cunaqabatayn ah.
- EU waxay soo jeedisay in la joojiyo taageerada dhaqaale ee dowladda Israaiil, iyadoo la xayiray malaayiin euro oo horay loo qorsheeyay.
Aduunku wuu eegayaa waxa dalalka reer galbeedka ka yeelaan xasuuqa ka socda gasa
-xaquuq insaankii
-Xaquuq aadanimo
-Dimuqraadiyadii
-iyo wax kasta oo ay ku faani jireen oo dunida kale ku caayi jireen.
Maanta way wada aragtaa dunidu sida ay ka yeeleen.
Ee u jebiyeen.
Hadaba maxay dalalka Islaamka iyo Carabta uga qeyb qaadan waayeen cunaqabateynta dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadaan dalalka Europe?
Maxay dhinacooda uga caawin waayeen?
Xaggee wax ka qaldan yihiin dalalka Islaamka iyo Carabta?
Diraasad: Cali Biixi