Wasiirka Arimaha Gudaha oo la kulamay Gudiga Caymiska Qaranka

Friday March 14, 2025 - 06:00:23
hadhwanaagnews
Kulankan oo ujeedadiisu daarraneyd in masuuliyiinta iyo guddida



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gGudaha iyo amniga Qaranka Somaliland, iyo guddida qaran ee caymiska qaranka ayaa kawada hadlay caymiska qaranka

 

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Cabdalle Maxamed Carab ayaa shalay kulan hawleed shaqo xafiiskiisa kula qaatey guddida isku dhafka ah ee hirgelinta caymiska gaadiidka, masuuliyiinta oo ka koobnaa wasiir ku- xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Maxamed Cabdimalik Axmed, Gudoomiye ku xigeenka Caymiska Qaranka iyo xubno kale oo ka tirsan guddida.

 

Kulankan oo ujeedadiisu daarraneyd in masuuliyiinta iyo guddida hirgelinta caymisku warbixin ka siiso wasiirka halka ay mareyso hawlqabadka hirgelinta caymiska gaadiidka iyo wakhtiga la dhaqangelinayo.

 

gabagabadii ,wasiirka ayaa uga mahadnaqey masuuliyiinta sida hawl-karnimada leh ee ay hawshan uga warbixiyeen iyo in ay mihiim tahay in la dhaqangeliyo, sidoo kalena wuxuu wasiirku balanqaadey in wasaaradd ahaan kala shaqeynayaan hirgelinta caymiska gaadiidka dalka.

     
Loading...