Dunida oo dhan, ma jiro qof haysta wax walba. Qof baa leh aabbe naxariis leh, midna wuxuu haystaa wiil daacad ah, mid kalena qoys caafimaad qaba. Qof kastaa wuxuu helay wax, waxaana ka maqan wax kale, waayo, waxa aan ku nool nahay aduunyo ee ma aha janno.
Waa wax aan suurtagal ahayn in qof helo dhammaan waxa uu rabay. Sidaa darteed, ku qanac waxa aad haysato, hana eegin waxa dadka kale haystaan. Ma ogtahay waxa ay lumiyeen ama dhibaatooyinka ay u mareen si ay u helaan nimcada Alle siiyay?!
Alle waa naxariis badan yahay, wuxuuna kuu qadaray waxa adiga kuu wanaagsan. Mid ogow saaxiib, Wax walba oo Alle kuu qoray waa kuu khayr haba ku xanuujiyaane.
Usame Qiyasle
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!