* N.B Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-aa-diyo, Cagtu Yaanay Kula Marin.
"Haddii muruqa bawdadu ku go'o waad makalan-taaye, mareegtaaba loo sii xidhaa. maqasha nayloode, Miiraalaha hortii baa biyaha la iska moosaaye (IHN Waa Tima-cade), oo micna-heedu yahay, inta aanay wax kugu dhicin, ka sii feejignaw, waa xikmad aad u qiimo badan oo loo daliilsan karo, aumuuro fara-badan oo leh ujeedooyin kala gedisan, waliba loo isticmaalo mararka yaalaa-ba ay wax si noqdaan, ee uu khalad dhaco, cida markaas samaysay-na ay isku canaanato, iyaka oo raba in ay dib u saxaan, farsamooyinkii ay ku galeen waxa ay ka dhaxleen, talaabaddii ay ku dhaqaaqeen ee dhaliyey khaladka.
Marka dhibaataddii soo baxdo, ka abuurantay khaladkii ay galaan, siddii ay falaw-geed u qaban lahaayeen maarayn-teedda, waxa ka qabash-dda waxa ay diidan yihiin, oo ah tallo xumaan, siyaasad khariban, khasaare maal iyo duunyo ahi marka ay qoobka ku dhuftaan, waxa waajib ah, oo khasab ku ah ciddii saamaysay, dib uga tabaabul-shaysiga ka taxa-dirka wixii soo gaadhay, oo uu u tafa-xaytaa in uu ka soo kabto, hadaba aan isku soo xooriyo'e, gun dhiga cinwaanku waxa uu tilmaamayaa, marka ay kaa murkacato xaajadu, waxa lagama maarmaan ah, in uu qofku guntiga dhiisha iskaga dhigo, una maleegto siddii uu ugu soo noqon lahaa caadi, isaga oo maskaxdda ku haya, in ay dhaceen wixii uu markii hore, ka artata-baysan waayey, ee halkaas uu jooga dhigay, soona yareeyey rajaddii uu lahaa ee ka kala daadiyey.
Waxa la yidhi, nin ku sigay wax kuu sheegye" Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-Taadiyo Cagtu Yaanay Kula Marin", Markan hoos u dhaadhaco, ee aan ka dego aaraarta, ee u gudda galo halka I manakh leh, ee ay cididu igaga mudan tahay, waxa weeye, qof wuu khaldamaa mar iyo lababa, laakiin maaha in uu weliggii iyo allahii dhex dabaasho, wixii aabahii dilay, ee waa in uu ogaadaa halka ay "Salaadu ka xidhmi la'dahay" markuu wax isku dayo-ba ay bog-cadka iskaga rogaysaa, waxan wixii uu taabto-ba, qulaan-qulshaha ka gawacaya, ee uu dhuub dun ugu geli la'yahay? qofku waa in uu u xisaab-tamaa, si rasmi ahna u dhuuxaa, cidhibta ay ku danbayn doonto, waxa uu doonaayo in uu qabto ama uu ku kaco, oo uu cawaaqibka uu ka dhaxli doono ka sii fiirsadaa, haddii kale waxay tahay in uu ku tallo galo, in fari tog-dheer la xuli doonto, oo uu mar kale dhabarka ka jabi, sidii hore ugu dhacday.
Waxan rabaa in aan bal idiin soo ban-dhigo, oo aan tusaale ku qoro halkan ah, dhibta maanta inagu habsatay, ee inaga haysata maamulka askariga ee mawjadu qaaday, in ay ahayd ka fiirsasho la'aan iyo inaka oo isku maqanayn. Ta inala durugtay oo aynaan ka fekrin maxaa inoo dan ah? yaa inoo wacan? qofkee baa ina wadi kara? Xusbigee aan denbi hore soo gelin? Yaad isku aamini kartaa? iyo wax yaabo kale oo muhiim ah, wixii aynu kala kulana-na waa tII UU Dalku ku baaba'ay, ee ilaa imika inagu jiifta Hashii caweer ( ee Cigaal Shidaad), welina aan la hinqan la'nahay.
Qaar khalad ku raacsanaa, oo weliba maamulka hada jiraa si wacan ugu lisay, looga badiyey ummaddii kale, baa iyaba waa yaabe, bello raadinaya, mana garanayno wax ka maqan, oo aan ahayn kursiggii baa nalaka helay, kursiga ma aabahood baa lahaa? Is moodsiis aan jirin iyo waali uun dheh. Waxa wacan markaas, ilayn hore baa loo yidhi qof nool iyo ummad jiidhku kuugu yaalo, oo tabaalaysan mid-na lagama indho qarsado'e, in aan maantana idiin soo gudbiyo dareen-kayga, oo ah kursiggii waa loo siman yahay cid meel uu ugu xidhan yahay na jiro, siyaasad, aqoon iyo raganimo baa la idin-kaga qaaday ee taas liqa, wax aad ka ssnaun kartaan baa iska yare.
Waxan odhan lahaa kuwa weli askariggii u barooranaaya, balaayo idin-ma haysee haw yeedhanina haddii kale miyaa, idinkaa ka sheekayn doona ee bal waxad haysaan soo daaya, waa la idiin diyaare. Kursi baad ka hadlay-saane, ee yaanay seefi mar kale idinku dhicin. Ma jirto cid idiin joojinaysaa ee qayladaas ku jira, laakiin ha isku deyina in aad far qaadaan, batarka beenta ah ee baloolaydda booli-xooftadda ah, kursi ku soo dhicin maysaan, taasi waa idiin fasax, ee sii kordhiya bal waxad ku keentaan sheekadda ah I-maqashii-i-madadaalidda.
* N.B Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-aa-diyo, Cagtu Yaanay Kula Marin.
Qore:- Abdi-shotaly