Fanaanadda Rihanna oo banaanka keentay uura cunugeeda saddexaad

Tuesday May 06, 2025 - 13:18:40
hadhwanaagnews
Rihanna oo 37 jir ah ayaa gacanta saartay


Fanaanadda caanka ah ee Rihanna, ayaa daboolka ka qaaday inay uur leedahay isla markaana ay sido canugeeda saddexaad xili ay ka qaybgalaysay xafladda weyn ee sanadka, Met Gala , taas oo ka dhacday magaalada New York ee dalka Mareykanka..

 

Rihanna oo 37 jir ah ayaa gacanta saartay caloosheeda, iyadoo dhoolla caddaynaysa mar sawir laga qaadayay.

 

Rihanna, oo magaceeda dhabta ah yahay Robyn Fenty, iyo seygeeda oo ah heesaa qaada heesaha rapka A$AP Rocky, ayaa horey u haysta laba wiil.

 

A$AP Rocky, oo sidoo kale loo yaqaan Rakim Mayers, ayaa mahadcelin u muujiyay weriyeyaasha hambalyada u diray iyo dadkii kale ee xafaladda joogayba.

 

"Waxaa la gaaray waqtigii aan dadweynaha tusin lahayn waxa aan kar karineynay," ayuu yiri.

     
Loading...