Xukuumadda Somaliland Oo Iibsatay saannadii Ciiddammada Madaniga Ah
Hargeisa(HWN):- Xukuumadda Somaliland
ayaa iibsatay baabuurtii iyo hubkii ay lahaayeen ciidamada madaniga ah ee ku
sugan gobolka Sanaag, halka iyagiina loo diray tababar Milatarri.
Wasiirka Gaashaandhigga, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay in goobihii laga soo
qaaday ciidamo beeleedyada la geeyay ciidamo milatari ah oo ku hubaysan
baabuurtii ciidamada madaniga ah oo ranjiga laga beddelay.
"Meeshii 200 joogeen, 400 ayaa la
geeyay oo wata gaadiidkoodii iyo gaadiidkii lagala wareegay ciidamada madaniga
ah, oo astaantii qaranka lagu buufiyay, waxaana dib loogu celiyay gaadhi walba
halkii uu kasoo baxay," ayuu yidhi Wasiir Cali.
Ciidamadii madaniga ahaa ee la qarameeyay ayaa loo diray xeryo tababar, waxa
ayna soo qaadan doonaan tababar ciidan, isla markaana waxa lagu kala dari
doonaa ciidamada kala duwan.
Waxa la sheegay in xukuumaddu ay lacagta u celisay beelaha ay kala wareegtay
baabuurta ciidanka iyo hubka, sidaa darteedna ciidanku ayaa toos u yeeshay
dhammaan saanaddii ciidanka ee ay hore u lahaayeen beeluhu.
Tallaabadan ayaa ah mid la doonayo in lagu nabadeeyo gobollada bariga
Somaliland, isla markaana shacabka hubka lagaga dhigo, intaa kadibna waxa gogol
nabadeed loo dhigi doonaa dadka deegaannada wada dega, sida xukuumaddu
sheegtay.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in ay socdaal ku tagi doonaan deegaannada
kale ee ay ku sugan yihiin ciidamada madaniga ah, si loo qarameeyo inta
hadhsan.