Xukuumadda Somaliland oo Daahfurtay Manhajka Waxbarashada Xabsiyadda
Hargeisa(HWN):-Xukuumadda
Somaliland ayaa si rasmi ah u daahfurtay siyaasadda manhajka waxbarashada
xabsiyada, oo horseedaysa in maxaabiistu ay wax ku bartaan Xabsiyada dhexdooda.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillaahi Cirro, oo daahfuray siyaasadda manhajka waxbarashada xabsiyada,
ayaa sheegay in uu maxaabiista ka caawin doono in ay jeelasha kasoo baxaan
iyaga oo leh aqoon iyo xirfado ay ku shaqaystaan, isla markaana bulshada
dhex-gali karaan.

"Daahfurkani wuxuu astaan u yahay sida ay xukuumaddu uga go’an
tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, dib u habaynta xabsiyada, iyo fududaynta
dhaqan-celinta maxaabiista. Waana markii ugu horreysay ee la hirgalinayo nidaam
waxbarasho oo habaysan oo ka dhex jira xabsiyada Somaliland," ayuu yidhi
Madaxweyne Cirro.
Waxa uu sheegay in manhajkani uu diiradda
saarayo in maxbuusku helo waxbarashada aasaasiga ah ee dugsiyada, waxbarashada
diinta Islaamka, iyo xirfadaha kala duwan ee farsamada gacanta isaga oo xabsiga
ku jira.
"Waxa uu helayaa waxbarashada aasaasiga ah.
Maadaama aynu ummad Islaam ah nahay, waxa kale oo la bari doonaa diinta Islaamka
iyo xirfadaha farsamada gacanta, sida cunto karinta, daryeelka dharka, faarada,
iyo xirfado kale, iyo sidoo kale waddaniyada," ayuu yidhi Madaxweyne
Cirro.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in tallaabadan
looga gol leeyahay kor u qaadista cadaaladda, hoos u dhigista heerka dambiyada,
iyo xoojinta Anshaxa suubban.