Trump ayaa jeediyay Khudbadii ugu dheereyd ee madaxweyne Mareykan ah ka jeediyo Congress-ka, wuxuu kaga hadlay arimo dhowr ah, oo ay ugu weyntahay, dhanbaal uu sheegay inuu u soo diray Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky kaas oo golaaday inuu saxiixo macdanta naadirka ah ee Maraykanku doonayo.
Waxaa si weyn loo xasuustaa dhacdadii ugub-ka ahayd ee Trump iyo kooxdiisu ay kula kaceen jimcihii la soo dhaafay Madaxweyne Zelensky, intii uu ku jiray booqashada Aqalka Cad.
Bilowga Khudbada Trump waxaa qaylo iyo sawaxan la sara kacay xubno ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ah, Xildhibaan Rep. Al Green ayaa ku fiiqay bakoorad uu sitey, Jamhuuriyiinta ayaa yaguna ku qaliyay si uu rabshada u joojiyo, balse gudoomiyaha aqalka Aqalka congress-ka ayaa ciidanka u dalbaday oo dibada u saaray Mr Rep. Al Green.