Sanamka dadka soomaaliyeed caabudaan dhamaantood waa qabyaalada oo diinta kaga xoog weyn oo dawladnimada iyo xoriyada iyo Dimuqraadiyada iyo islaamnimada kaga xoogweyn iyo wada noolaan shaha.
Sanamka dadka soomaaliyeed intooda badani 90% wada caabudaan
Waa
SANAMKA QABYAALADA
Hadaba sanamkaas sidee loo burburiyaa oo looga xoroobaa oo dadka soomaaliyeed looga xoreeyaa ?
Dimuqraadiyad way soo mareen 1960-gii iyo doorashooyin iyo axsaab.
Way ku guul daraysteen oo qabyaalad ayay faraqyada isaga laadlaadeen.
1969- waxay soo mareen askarxoog ku qabsatay .
Way ku guul daraysteen.
Shuyuuciyadii askarta
Way ku guul daraysteen oo qabyaalad ayaa burburisay.
1991-kii waxay soo mareen qabyaalad iyo dagaalo iyo burbur iyo qax iyo dil uyo dhac iyo waxyaabo aan la soo koobi karayn oo dadnimada ka baxsan .
Way ku guul daraysteen. Qabyaalad awgeed.
Waxay soo mareen dawlad la'aan iyo jaah wareer iyi qabyaalad aan weji lahayn.
Waxay soo mareen Maxkamadihii islaamiga ahaa
Way ku guul daraysteen , qabyaalad awgeed.
Waxay soo mareen ururo islaamiya
Sida alshabaab oo kale oo way ku guul daraysteen , qabyaalad awgeed iyo fashil.
Waxay soo mareen oo qaar badani ku jiraan maamul goboleedyo qabyaaladaysan
Way ku guul daraysteen.
Wax nolol iyo wax qabad ah iyo adeeg bulsho ma haystaan .
Qabyaalad awgeed.
Waxay doonayaan maamul iyo nidaam Dimuqraadiya (qaarna way ku jiraan maamul Dimuqraadiyada oo ay doorashooyin qabsadaan sida Somaliland oo kale)
Nidaamkanuna wuxuu u egyahay iminka
In ay qabyaaladu ka xoog weyn tahay nidaamkan ay sheeganayaan in ay isku maamulaan .
Isaguna wuu guul daraysanayaa , hadii aan wax laga bedelin sidan uu iminka yahay , qabyaalad owgeed.
hadaba maxay isku maamuli karayaan dadka soomaaliyeed
Hadii ay nidaamyadii dunida ka jiray oo dhan ee banii aadamku isku maamulo,
Ku guul daraysteen in ay isku maamulaan qabyaalad owgeed.
Nidaam nooceeya ama aragti ama maamul nooceeya ayay u baahan yihiin in ay isku maamulaan oo ay qaadan karayaan ?
Ama dawladnimo nooceeya ama maamul sideeya ayay u baahan yihiin,
Oo isku maamuli karayaan?
Mise dawladnimoba uma baahna ?
Mise qabyaalad iyo qabiil kastaaba degaankiisa in uu maamulo oo nabad kula noolaado qabiilka kale ee jaarkiisa ah ,
Ayay ku wada noolaan karayaan?
Waanaynu aragnaa iminka inaanay qabiil isku maamuli karayn , oo waynu aragnaa inaanay qabiilna mid kale dhulkiisa ku joogayn oo uu dhul balaadhsi mid kastaaba doonaayo iyo dhul aanu lahayn.
Hadaba qabiilada yar-yar ma kuwa kale ee waaweyn ayay ku biirayaan ?
Mise iyaguna xuquuq ma laha oo waa la qabsanayaa oo kuwa waaweyn ayaa qabsanaaya?
Bal waxaad eegtaa dalal badan oo dunida ah oo dawladnimo wada samaystay oo wada leh
oo kala diin ah oo qaarna kala midab yihiin qaarna kala af yihiin ,
qaarna kala qabiil yihiin ,
Qaar kalena kala dhaqan iyo kaa umado yihiin qaarna isxasuuqeen qaarna kala adkaadeen oo weli nada isku dawlad iyo maamul ah .
Ayaa dunida ku wada nool oo isku dawlado ah oo si nabad gelyo ah iyo xasilooni ku wada nool .
China oo hal milyaar iyo badh ah oo diin haysan (qaarkoodna Buudiis yihiin) oo sanam caabuda. Qaarkoodna shuuciyad haystaan (diin la'aan) oo hadana wada nool .
India oo hal milyaar iyo badh ah oo Hindoos ah inteeda badani tahay oo sanam caabudaan iyo dad kale oo badan oo kala diin ah , oo kala afaf badan ku hadla oo hadana wada nool oo dawlad qudha iyo nidaam qudha ka dhexeeyo oo hadana wada nool .
Umadda soomaaliyeed iyaga oo isku wada diin ah oo isku af ah
oo isku midab ah oo isku taariikh ah
oo isku dhaqan ah oo isku dhul ah
oo aanay webiyo iyo bado u dhaxayn .
Hadaba
Maxay u wada noolaan kari waayeen dadka soomaaliyeed ?
Su'aalahanu waxay u baahan yihiin cilmi baadhis iyo diraasado aqooneed oo runta laga sheegaayo oo lagu lafa guraayo oo ka jawaaba ,
Waxa ay qoomiyadda soomaaliyeed u wada noolaan kari la'yihiin?
Maxaa u sabab ah ?
Ee diidaaya wada noolaan shahooda ?
SANAMKA QABYAALADU QAWMIYADDA SOOMAALIYEED WUU GUMEYSTAA .
Bal adiguna tijaabi
In aad maskaxda tuujiso .
Oo ka jawaabto su'aalahan madaxa daalinaaya .
Cali Biixi
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!