"Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Cirro Waxay Ku Tartamayaan Qabyaalada"..Faysal Cali Waraabe
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro uu dhexyaalo tartan salka ku haya qabyaalada.
gudoomiye Faysal waxa kale oo uu sheegay inaanu Muuse Biixi ku sheegin badaw balse aanu garanayn meesha uu madaxweynuhu kalmadaas ka keenay.
Faysal Cali Waraabe oo la hadlayey taageerayaasha xisbiga Ucid ayaana waxa uu yidhi ""Muuse iyo Cirro ayaa ku tartamaya qabyaaladda, Madaxweynuhu malaa wuu igu riyoodey ee anigu badow Kumaan sheegin".
tartanka ololaha doorashada somaliland ayaa maraya meel xasaasi ah iyada oo hogaamiyeyaasha xisbiyaduna ay eedaymo kulul isku marinayaan warbaahinta.