Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya
Ayaa ku eedeeyay Dawladda Imaaraadka Carabtu in ay in ku Xad gudbayso Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay jiraan Dawladda dhawr ah oo faro geliya Soomaaliya, taas oo ay ka qaadi doonaan Talaabo.
Safarkan u dambeeyay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu ku tagay Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ku keenay Hinaase Siyaasadeed maadaama sida la sheegay aan lagu soo marti qaadin Madaxweynaha Dalkaasi Xasan Sheekh Maxamuud.
Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa leh xidhiidh wanaagsan oo soo bilawday Wakhtigii Xukuumadii Allaah haw naxariistee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).