Itoobiya Waxa ay xidhiidh Wanaagsan muddo dheer la lahayd
Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa la sheegay in ay markii Afraad dib u dhigtay Marti qaadkii ay u fidisay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Safarkan oo ay ahayd in uu bilihii la soo dhaafay ku tago Addis Ababa maadaama oo ay hore ugu soo direen Marti Qaadka ayaan loo badinayaa in heshiiska dhex maray Somalia iyo Itoobiya uu qayb ka yahay dib u dhacdyadda Safarkaasi ku yimid.
Itoobiya Waxa ay xidhiidh Wanaagsan muddo dheer la lahayd Somaliland, Madaxweyneyaashii Dalka Soo marayna maalmaha ugu horeeya Muddo xilleedkooda Waa halkii ay safarkooda ka Bilaabi jireen, in Kasta oo Uu Allaah haw Naxariistee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Djabouti, hadana Addis Ababa Bil gudaheed Muddo xilleedkiisii ayuu ka degay.
Djabouti ayaa iyana ula diyaar ahayd Marti qaad, waxaase xukuumaddu ay ka door bidaysay dhinaca Itoobiya in ay ku horeyso, maadaama Hargeysa iyo Djabouti ay cillaaqaadka Kala qaateen Intii uu talada hayay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo uu Geellaha dhawr iyo Labaatanka Sano Reer Djabouti hor taagani u arkayay in uu caqabad ku yahay Jiritaanka iyo dhaqaalaha dalkiisa, Wixii ka dambeeyay Heshiiskii Addis Ababa.
Ilaa hadda ma jiraan Wasiiro iyo Masuuliyiin Xilal Luxdan ka haysa Xukuumadda Xisbiga Waddani Oo Addis Ababa tagay Intii ay xilalka la wareegeen, Marka laga yimaado agaasimeyaal Guud oo arrimo u gaar halkaasi u tagay, haddiise laga tagi waayo Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa mar booqday maalmihii uu Xilka la wareega