Tu Khaas Ahana Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Dalabkii Aqoonsiga,Dawladii U Weynayd,Dunidaan U Dhiibnayo.
Doodba Ka Socotayo,Gaadhsisay Dalal Badan,Diriskena Qaaryin.
2-Degdeg Ha Loo Aqoonsado,Iyago Ugu Sii Daray,Diyarbay Ahyeen,
Diidnay Maanu Maqal Weli,Madiba U Riixdeen,Mise Waaba Deyseen,
3-Dabaaldegeeni Meeye U Denbeyay,Baan Sugayay,Dooruu Lamaanan,
Dayaxaabu Sii Koray,Daayin Tiisu Noo Maqane,Meeday Dihashadeeni,
4-Dabeecada Aduunyada,Lama Waayo Duulduul,Dagaaliyo Abaariyo,
Dar Wax Diidaya Jira,Dalkeeno Amaan Ahe,Dadaala Oo Ha Baqanina.
5-Diraacdiyo Gugaa Di',Waa La Doogi Doonaaye,Ducaysta Oo Iskaashada.
Deeqda Eebbaheenba,Dunido Dhan Gaadhee,Dadku Tamaro Badan Maleh.
6-Waxa Iga Dardaaran Ah,Danta Qaranka Dhawro,Daaya Hadalka Diifta Ah,
Deynmayno Qabyaaladi,Waa Duxdaan Ku Noolay,Miidiya Ka Dabar Jara.Ismail Abdillahi Handuleh
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!