"shacabku aanu taageero badan uhayn Muuse Biixi iyo xukuumadiisa"
Hargaysa (HWN) Ex. Wasiir Cawaale Shirwac oo xilal wasiir nimo ka soo qabtay Somaliland ayaa sheegay in loo baahanyahay in Dawlada la badelo si dad firfircoon ay xukunka uyimaadaan.
Waxaanu intaasi ku daray in dimuqraadiyada quruxdeeda ay ka mid tahay in hogaanka dalka la bedelo.
"Markaad in badan rogrogto waxa ku horyaal, aad hayso xog, xog-ogaalna aad tahay. Wakhtiga la joogaana uu yahay wakhti umada iyo Wadan kaba in loo tudho ay tahay. Xaq iyo waajibaad i saaran weeyaan in aan tilmaamo in dalka iyo dadka dan ugu jirto in dalkan doorashadu si xor iyo xalaal ah u dhacdo, is bedel na u dhaco.
Dimuqraadiyada quruxdeeda iyo tadawurka dawlidnimo waxa sune u ah in hogaamka dalka la bedbedelo, xitaa hadii aan dhib jirin dawladuhu waxay hogaanka u bedelaan in dar dar cusub iyo dedaal cusubi yimaadaan.
14 sanadood ka dib, dadka reer SOMALILAND xaq bay u leeyihiin in ay talada dalka awoodooda ugu wareejiyaaan hogaan cusub oo ay siiyaan mandate cusub.
Dawladaha ay wax ka qaldamaan, ama dhaqaale burbur ku dhaco, ama dhibaatooyin kale iyo fadeexado kale dhacaan, kuwaas iyaga bulshadaaba dalbata doorasho deg deg ah, duhur cad baana laga codeeyaa.
Siday doonto ha noqotee iyadoo ixtiraam loo hayo Dawlada iyo hogaanka xisbi xaakimka Somaliland, hadana maanta waxa la joogaa halkii UDUB PARTY ay joogtay 2010 ka horaantiisii, waxan rejaynayaa in Taladii iyo Tusaaluhii Madaxweyne Rayaale iyo Xisbigii UDUB , ay raaci doonto xukuumada hada joogta.
Jimce Mubarak" ayuu qoraalkiisa ku yidhi.
Hadalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili dadka siyaasada Somaliland udhuun daloolaa ay ku doodayaan in shacabku aanu taageero badan uhayn Muuse Biixi iyo xukuumadiisa.