Wasiiro Ka Soo Jeeda Togdheer Oo Markale Burco Ka Tumaya Durbaanadii Qabyaalada

Sunday August 07, 2022 - 11:32:06
Wasiiro Ka Soo Jeeda Togdheer Oo Markale Burco Ka Tumaya Durbaanadii Qabyaalada



Xog: Wasiirro ka tirsan xukuumadda KULMIYE oo ka soo jeeda bariga Burco ayaa durbaan qabyaaladeed ka dhex abaabulaya beelaha walaalaha ah ee wada dega Burco.
May be an image of 3 people and people sitting

Wasiirradan ayaa abaabulaya odayaal ka soo jeeda beesha Habarjeclo, kuwaas dhaleecayn u jeedin doona wakaaladda Biyaha Al-Nafoora ee gaarka loo leeyahay iyo waliba ganacsade Saleebaan Kulul oo ah Mulkiilaha Al-Nafoora Construction.

Odayaashan ayaa loo abaabulayaa inay ka soo horjeestaan biyo galinta uu ganacsade Saleebaan Kulul iyo sherkadiisu ka wadaan Burco, si uu u abuurmo khilaaf qabyaaladeed oo u dhexeeya beesha uu ka soo jeedo Saleebaan Kulul iyo beesha bariga Burco.

Wasiirradan ayaa qaarkood Hargeysa ka darawalinayaan xiisadan qabyaaladeed halka kuwa kalena dhawaan Burco ugu safreen si ay u soo huriyaan durbaankaas naxliga iyo qabyaaladda xambaarsan.

     
Loading...