Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabd iyo wefti uu hogaaminayey oo ay ka mid ahaayeen, taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland badhasaabka Sanaag , Maayar ku-xigeenka Ceerigaabo ayaa shalay wakhti la qaatay oo lana sheekaystay dad weynaha ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo ay iska xog-waraysteen xaaladaha Degmada iyo sidii looga shaqayn lahaa nabada iyo horumarka Ceerigaabo.
weftigan Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi yaa salaadii Jimce kala qaybgalay Masjid Jaamaaca Ceerigaabo kula tukaday Bulshada ku dhaqan xarunta Gobolka Sanaag.
"Ujeeda koobaad ee aanu u nimid magaalada Ceergaabo iyo gobolka Sanaag, oo aan magan idiinka nahay nabad galyadii gobolka sanaag in la soo celiyo, waxan idiinku nimid talo iyo nabad, laakiin waxanu idin leenahay Marti ayaanu idiin nahay, martina wixii loo sheego way qaadataa, wixii la siiyana way cuntaa,Talaan u soconaan, Tilmaan baan u soconaa meelna waan u wada soconaa Alle waxan ka baryaynaa in uu inagu guuleeyo”Madaxwaye ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi khudbad kooban salaadii Jimcaha kadib u jeediyey Bulshada ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo ,ayaa oo si weyn ugu dheeraday mihiimada ay nabadu u leedahay aadamaha iyo sida ay Xukuumadda WADAJIR iyo WAX-BAD uga go’an tahay hirgelinta mashaariic waa weyn oo horumarineed kuwaasi oo ay ka hirgelinayso Gobolka Sanaag.
Ujeed ka uwayn safarkani daaran yahay ayaa ahaa qaramaynta ciidamada madaniga ku waas oo xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro balan qaaday in hadii ay talada dalada dalkan ku guulaystaan Ciidamada Madaniga ah ka dhigi doonaan Ciidan Qaran isla markaana ka mid ahaa balan qaadyo aad u farabadan la bilaabi doono boqolka maalmood ee u horeeya muda xileedkooda.
Waftiga ayaa maal mihii u dambeeyey la soo dhaafay ku sugnaa gobolada Bariga Dalka gaar ahaan magaalada Ceergaabo ee xanunta gobolka sanaag ayaa waxay kulamo kala duwan la qaateen Madaxda heer degmo iyo heer gobolka Culimo awdiin, Madaxda dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Goblkaasi Sanaag.
Gabagabadii Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somalailand ayaa guud ahan shacabka gobolka Sanaag ka codsaday inay kala shaqeeyaan nabada iyo qorshayaasha horumarineed ee ay xukuumadu doonayso in ay ka hirgaliso gobolka.