Qabyaalada iyo Qarannimada!!!.W/Q Ahmed Bashir

Saturday June 17, 2023 - 00:33:41
Qabyaalada iyo Qarannimada!!!.W/Q Ahmed Bashir


Qabyaalada, quudka, iyo qof jeclaysiga qofka lagu difaaco ama lagula dagaalamo maahan wax quman oo qiime iyo qaayo u yeelaya qorshaha, qiyamka, quruxda iyo quwada qaran, qowmiyadeed, iyo qofeed.

Qofka marka uu Qaranka u shaqaynayo waa xaq iyo xoriyad in la dhaliilo oo loo sheego xilgudasho la'aantiisa, xeerka aanu ku dhaqmayn, xadgudubkiisa, xigtaysigiisa, xumaanta ku xeeran xulashadiisa, xilkiisa iyo xukunkiisa.

Qofna kuma difaaci karo qabiil iyo qarash qof qaranka u shaqaynaya oo shacabkiisu tabasho, toosin, talo, tusaale iyo tilmaan usoo jeediyeen.

Qofna kulama dagaalami karo, kuma dulmin karo, kuma dacaayadayn karo qabiil, qabyaalad, iyo quud darteed qof qaranka u shaqaynaya ee waa in uu kula xisaabtamaa qofka qorshihiisa, qadiyadiisa, qaybintiisa, qaladkiisa, qabyadiisa, qawlkiisa, iyo qaranka wuxuu u qabtay.

Xukunka kuwa haya iyo kuwa la xukumo dhexdooda waxa yaala xisaab, xil iyo xeer ay tahay inay ku xisaabtamaan, isku xaqdhawraan, isku xadeeyaan, iskuna xukumaan.

Dadku inay kala feker iyo firqo duwanaadan waa waxa dawladnimada iyo dimuqraadiyada qurxiya oo qiimaha u yeela.

Qofkasta xaq ayuu u leeyahay inuu taageero qorshe iyo Qadiyad uu aaminsanyahay kuna taageero maskax, muruq iyo maalba wixii uu awoodo.

Soomaaliya dadku waxay qofka ku taageeraan inay isku qabiil, qaraabo, iyo qaadhaan wadaag yihiin.

Waxaa khalad ah in qofka lagu caayo, lagu colaadiyo, ciil loogu hayo maxaad iiga qoshe duwantahay duwantahay ama maxaad qof qabiilkeena ah u taageeri wayday.

Mag wadaagnimo in wax lagu taageero halagu badalo Mabda wadaag in wax lagu taageero.

Mabda wadaagta ayaa ka wanaagsan, ka waxtar badan, ka waxsoosaar badan, ka waxqabad badan, ka walaaltinimo badan, ka waqti dheer, ka wayn, kana waddanisan mag wadaagta.

Qabyaalad iyo qof jeclaysi waa waxa ina kala qoqobay, qarankeenii qaribay, qabkii inaga qaaday ee qaxoontiga, qaxa iyo qaraxyada na baday ee Qoomkaygoow qorshe qannimo ayaa na deeqda.

W/Q Ahmed Bashir

Address: Kampala, Uganda

Edu: BA in DS, MA in SW

Contact:[email protected]

 

No photo description available.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...