Shaqooyinka Aan u Qabto S/Land,
Waxan halkan idiinku soo gudbinaya CV-gayga nololeed ee ku soo dhawaadda:-
Aqoonta Wax-barashadda:-
*Waxan Dugsiga Sare ee Sheekh Burco ka baxay June 1976.
*Shaqadda Qaranka ( Macalinmo) waxan ka galay Degmadda Isku-Shuban Ee Gobolkii la odhan jirey Bari, Noofamber 1976-june1978
*Waxan galay Xalane oo tababar ciidan ahaa 3 bilood.
*November1978-1981 Waxaan Xamar ka galay Jaamacaddii Xanaadda Xoolaha.
*16/08/1981Waxa lay diray Jamaacadda Faysala -baad ( Faisal Abaad University) Ee Dalka Pakistan, waxan ka qaatay Diblooma aan kubartay Cilmiga Rimay Gacmeedka Lo'da oo afka Ingiriiska loo yaqaano " Artificial Insemination" oo micnaheedu yahay in saca aanu dib fuulin ee gacanta lagu rimiyo.
*10 /01/1982 Waxan galay Dalka Sucuudiga, *27/01/1982, waxana aan u shaqeeyey Shirkaddii Caanaha ee Al-kharaj ee la odhan jirey "Xaliib Kurah" oo aan u samayn jirey " Rimay Gacmeedka" (Artificial Insemination ").
*Waxan dalka UK galay 26/02/1986,
*Waxa qaxoontii la ii aqabalay 10/08/1986.
*13/09/1986 Waxan galay "Jamaacadda Newcastle Upon tyne" ee North East of England. Halkaas oo aan ka dhamaystirey Digriiga Mastarka ( Master of Animal Husbandry Sceince) 25/05/1987.
"Takhasus ah Rimay Gacmeedka".
Shaqo:-
*Isla Jaamacadda baa shaqo I gelisay 6 bilood ah laga bilaabo 27/05/1987-30/11/1987.
*11/12/1987 Waxa jaamacadda toos iigala wareegay Shirkadda Lo'da ee la yidhaadho Lancashire dairy Farms, taas oo i keentay manchester 15/12/87.
*Waxan Shirkadan Lancashire Dairy Farms oo aan weli u shaqaynayo 37 sano,marka laga reebo sanadkan cusub oo noqonaaya kii 38aad.
Hawlaha Kale Ee Aan Qabto ilaa imika"-
* Waxan si joogto ah wax ugu qoraa Xafiisyadan hoos ku qoran, in badana waad la socotaan ifin-kuba shaqadda aan ka qabto:-
(1) Xafiiska Arimaha debedda ee UK ( British Foreign Office Of UK).
(2) Xafiiska Caawimooyinka iyo Ururka Barwaaqo-Sooranka UK (British Overseas And Commonwealth Office).
(3) Hay'yadda Xuquuqal Insaanka Ee UK loo yaqaano ( Amnesty International) Waxan ka ahay shaqaale ( Part-time worker) Oo Iyana mudo 9 sano ah, todobaad walba10 saacadood bay I siiyeen in aan wax u qoro, oo mushahar uga qaataa.
Shaqooyinka Aan u Qabto S/Land,
-Waxan Si toos ah ugu dagaalama qaranimadda S/Land -Waxan taageera buuxa u ahaa ila imikana ahay Xusbiga Waddani, Aniga oo ka qora maqaalo af Soomaali iyo Ingiriisi ah, markuu Mucaaridka ahaa iyo imika oo uu muxaafid yahay-ba. Waxan soo daayaa warar toos ah ( live Videos). Waxan ku dagaalamaa Xuquuqul-Insaanka, Nolosha Asaasiga Ah, Cadaaladda, Xoriyatul-Qawlka, Sinaanta iyo Wadda Jirka Ummadda Somaliland, waxan caawiyaa Dan-yarta Tabaalaysan, oo aad in badan ka markhaati tihiin, arag-teena, anigu waxan diyaar u ahay in aan idiin shaqeeyo, oo aanan idinka shaqaysan.
Muwaadin lama soo koobi karo arimaha aan u qabto dad-keenaiyo dal-keena ee sama-falja ah. Sidaas awgeed, waxan markan marti kaaga ahay in aad ii codayso, aniga oo u sharaxan Golaha Wakiiladda Somaliland ee Soo socdda haddii Alle Idmo adiga oo mahadsan.
Waa Dr ABDIRAHMAN Jama Ahmed
(Abdi-Shotaly).