Shir qabyaaladaysan oo Muuse Biixi ku furay madaxtooyada Cusub Ee Gabiley.
Muuse Biixi oo wali ku sugan Gabilay ayaa shir balaadhan u qabtay waxgaradka beesha uu ka soo jeedo ee Subeer Awal.
Shirkan oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa xogaha laga helay ay sheegeen inuu ahaa mid layskaga kala yimid magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa kaas oo ka dhacay Madaxtooyada cusub ee Gabilay.
Dalabka shirkan ayaa ka yimid Muuse Biixi oo guddoominayey mudadii uu socday.
Wararku waxay sheegayaan in qodobada uu Muuse Biixi codsaday ay ka mid ahaayeen In beesha Subeer Awal ay difaacdo Xukuumadiisa isla markaana is garab taagto doonistiisa gaarka ah ee uu ku rabo in doorashadii ururada laga soo horaysiiyo mida Madaxtooyada.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Muuse Biixi uu dadkii shirka ku sugnaa uga waramay mucaaridnimadii lagu hayey dawladii Cigaal isaga xusay inay la mid tahay mida maanta lagaga soo horjeedo xukuumadiisa isaga oo beesha Garxajis la xidhiidhiyey inay ugu mucaaridayaan sidii ay Cigaal u wajaheen oo kale.
Muuse Biixi oo qaadaya dariiqada uu xariifka ku yahay ee qabyaalada iyo kala qaybinta shacabka ayey wararku sheegayaan inuu beeshiisa u sawiray in mucaaridnimada hada lagu hayo xukuumadiisa ay cid gaar ah oo kaliyi wado Isla markaana loo baahan yahay in layska difaaco.