Ciidamad Booliska Somaliland ayaa maanta soo bandhigay Hubka noocyadiisa fudud oo isugu jira Toorayo, Mindiyo Daxalaystay, Faashash, Baangaddo iyo Budhadh ay ka soo ururiyeen ciidanka Booliska gaar ahaan Talisyadda Bariga iyo Galbeedku guud ahaa Degmooyinka Caasimadda.
Ciidanka booliska ayaa sheegay in hawl-gal ay wadeen labadii Todobaad ee ugu dambeeyey ay ku soo ururiyeen hubkan.
Magaaladda Hargeysa iyo deegaano kale waxaa in dhawayd ka dhacay Dilal loo adeegsaday hubkan ay ciidanka sida gaarka u beegsadeen ee Mindiyaha.