Soomaaliya oo Dekedda Baraawe iyo Dhul 200KM ah u saxeexday Shirkad laga leeyahay dalka Kuwait muddo 25 sano ah.

Tuesday February 18, 2025 - 14:49:16
hadhwanaagnews
Intaa waxaa dheer oo heshiiska ku jirta in la dhisi doono hoteello,
May be an image of 18 people, dais and text


Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Lafta-Gareen, ayaa saxeexay heshiis muddo 25 sano ah oo uu la galay shirkadda Arabi Holding Group Company. Heshiiskan ayaa dhigaya in shirkaddaasi la wareegi doonto Dekedda magaalada Baraawe iyo dhul cabirkiisu gaadhayo 200KM isku wareeg ah.

Heshiiskan waxa uu dhigayaaa in shirkaddu ay maalgashato dhulkan, iyadoo la horumarin doono dekedda Baraawe, isla markaana lagu maalgelin doono ka faa’iideysiga macdanta ku jirta dhulka, sida shidaalka.
Qiimaha maalgelinta ee mashruucan ayaa lagu qiyaasay $500 milyan.

Intaa waxaa dheer oo heshiiska ku jirta in la dhisi doono hoteello, aag cashuuraha laga dhaafo (Free Zone), warshado, horumarinta waxsoosaarka badda, iyo fursado shaqo oo kale. Waxaa sidoo kale heshiiska lagu daray muddo 5 sano ah oo loogu tala galay dhismaha mashruuca. Dhismaha mashruuca waxa qaadatay shirkadda Waadi Al Misri oo laga leeyahay dalka Masar.

Mashruucan ayaa la sheegay in uu adeeg u fidin doono dalal badan oo gobolka ka tirsan, sida Itoobiya, Koonfur Suudaan, Kenya, Afrikada Dhexe, Uganda, iyo Congo DRC.
     
Loading...