Wefti uu hoggaaminayo Ambassador Giulietti ayaa kulan,,,,
Guddida Nabadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xafiiskooda ku qaabey, Safiirka dalka Switzerland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador Mirko Giulietti, oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi.
Wefti uu hoggaaminayo Ambassador Giulietti ayaa kulan muhiim ah la yeeshay xubnaha Guddida Nabadda, kaas oo diiradda lagu saaray iskaashi, xog-wadaag iyo kor u qaadista doorka nabadeynta gudaha Somaliland.
Intii uu socday kulanka, Guddida Nabadda Qaranku waxay safiirka la wadaageen xog-waran dhameystiran oo ku saabsan hawlaha muhiimka ah ee ay u hayaan Qaranka, gaar ahaan dedaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida, wada-noolaanshaha bulshooyinka, iyo xallinta khilaafaadka bulshada ee ka dhasha arrimo dhaqan, deegaan ama bulsho.
Ambassador Mirko Giulietti ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kulankan, isagoo xusay in Switzerland ay si dhow ula socoto horumarka iyo dedaalka nabadeed ee ay Somaliland waddo.
Waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin inay sii xoojiyaan taageeradooda ku aaddan nabadda iyo horumarka bulshada.
Kulankan ayaa noqonaya mid muhiim u ah xoojinta xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Switzerland, gaar ahaan dhinacyada nabadda, horumarka bulshada, iyo taageerada hay’adaha gudaha ee lafdhabarta u ah sugidda xasilloonida Qaranka.