Jabhadda M23 oo Xabbad-joojin Ku Dhawaaqday DRC

Tuesday February 04, 2025 - 19:41:22
hadhwanaagnews
Xabbad-joojintan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo la filayo shir


Kooxda M23, oo ay taageerto Rwanda, ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah salaasadii, iyagoo sheegay inay joojinayaan dagaalkooda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) sababo bini'aadannimo awgood.

M23, oo toddobaadkii hore la wareegtay magaalada Goma, halkaas oo 900 qof lagu dilay sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale sheegtay inaysan weerari doonin magaalada Bukavu.

Xabbad-joojintan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo la filayo shir ay yeelanayaan madaxda DRC iyo Rwanda, inkasta oo aysan caddeyn haddii dawladda Kinshasa ay u hoggaansami doonto.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran qowmiyadeed, iyadoo M23 ay sheeganayso inay difaacayso qowmiyadda Tutsiga ee ku sugan DRC, halka dowladda Congo ay ku eedeysay Rwanda iyo M23 inay dhacayaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
     
Loading...