Shikad Kale Oo Ku Dhawaaqday In Maraakiibteedu Aysan Geli Doonin Badda Cas

Tuesday December 19, 2023 - 07:02:04
hadhwanaag
"Badda Cas ayaa ah marinka ugu muhiimsan caalamka ee la marsiiyo shixnadaha"



Shirkadda weyn ee Shidaalka ee BP ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan shixnadaha Saliidda ee mara Badda Cas, kaddib markii ay kordheen weerrada maraakiibta ee Xuutiyiinta.

 

Waxay go'aanka u qaadatay sababtoo ah "xaaladda ammaanka oo sii xumaanaysa" inkastoo ay sheegtay inay ahayd tallaabo ku meel gaar ah.

 

Dhowr shirkadood oo kuwa xamuulka ah ayaa sidoo kale hakiyay maraakiibtooda kadib markii ay beegsadeen Xuutiyiinta Yemen.

 

Isniintii, mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee maraakiibta ayaa sheegtay in aysan mar dambe qaadi doonin shixnadaha Israa’iil ee sii mara badda cas.

 

Xog ay aragtay BBC, shirkadda Evergreen Line waxay sheegtay inay amar ku siin doonto maraakiibteeda konteenarada inay joojiyaan safarada "ilaa ogaysiis kale".

 

Badda Cas ayaa ah marinka ugu muhiimsan caalamka ee la marsiiyo shixnadaha shidaalka iyo sidoo kale badeecadaha kala duwan.

 

BBC

     
Loading...