Shirkad Ku Dhawaaqday Inay Sanadkan Gudihiisa Shidaal Ka Soo Saarayso Somaliland

Thursday June 06, 2024 - 20:43:20
Shirkad Ku Dhawaaqday Inay Sanadkan Gudihiisa Shidaal Ka Soo Saarayso Somaliland

Hargeysa(HWN):-Shirkadda Shidaalka ee Genel Energy, ayaa ku dhawaaqday inay sannadkan gudihiisa Ceel Shidaal ku jiro ka qodayso JSL.


Genel Energy oo ah shirkad laga leeyahay Ingiriiska, ayaa Wefti ka socda oo Maanta kulan la yeeshay Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta & Macdanta ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay inay sanadkan gudihiisa bilaabayaan Ceel shidaal oo ku yaalla Somaliland. Qoraal lagu baahiyey barta X ama Twitter-ka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, ayaa lagu sheegay in Wefti ka socda Shirkadda Genel Energy ay Wasiirka Tamarta Cabdillaahi Faarax iyo Madaxda kale ee Wasaaradda u bandhigeen qorshe ah inay bilaabayaan qodista Ceel shidaal "Wasiirka oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta, ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee shirkadda Genel Energy oo socdaal ku yimid Somaliland Maanta. 


Genel Energy ayaa soo bandhigtay waxqabadyada wax-soo-saarka shidaalka ee lagu tilmaamay qorshe-sannadeedka 2024-ka..” ayaa lagu yidhi qoraalka ay baahisay Wasaaraddu, taasi oo intaa ku dartay in Ceelka qodistiisa la bilaabayo uu lambarkiisu yahay SL10B. Shirkadda Genel Energy, ayaa soo saaridda shidaalka Somaliland la kaashanaysa Dawladda Taiwan, taasi oo baloogyada la calaamadiyey shirkaddu ku wareejisay 49%.

 


     
Loading...