Trump oo shaqada ka joojinaya hay'ad Soomaalida saameyn weyn ku leh

Tuesday February 04, 2025 - 12:07:47
hadhwanaagnews
Sharci-dejiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga ayaa arrintan



Maamulka Trump ayaa sheegay inuu mar kale xidhayaan oo aanay shaqayn doonin xarunta dhexe ee Hay'adda Gargaarka Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee ku taalla badhtamaha Washington DC, taasoo ka dhigan in shaqaalaha hay'adda laga hor istaagi doono inay galaan xarunta maalintii labaad oo Salaasa ah, iyadoo la qorsheynayo in hay'addan la xidho gabi ahaanba.

 

Xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu haatan yahay madaxa ku-meel-gaarka ah ee Hay'adda Gargaarka Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID), taasoo bixisa balaayiin doolar oo gargaar ah adduunka dacalladiisa.

 

Sharci-dejiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga ayaa arrintan ku tilmaamay "mid sharci-darro ah oo ka hor imanaysa dastuurka," iyagoo sheegay inay dhaawici doonto dadka saboolka ah ee caalamka, halis gelin doontana amniga qaranka, isla markaana yarayn doonto saameynta Maraykanka ee heer caalami.

 

Madaxweyne Donald Trump iyo mid ka mid ah lataliyeyaashiisa ugu sarreeya, waa bilyaneerka Elon Musk, ayaa si weyn uga soo horjeeday hay'addan.

 

Xilli uu kula hadlayay wariyeyaasha Aqalka Cad Isniintii, Madaxweyne Donald Trump ayaa ku eedeeyay hay'adda USAID, kuna tilmaamay inay maamulaan "dad xag-jir ah oo dhinaca bidix ah," ayna ku lug leedahay "musuqmaasuq baaxad leh," hase yeeshee ma uusan bixin magacyo ama faahfaahin dheeri ah.

 

USAID waxaa la aasaasay sanadkii 1961, xiligaas oo uu Madaxweyne John F. Kennedy dhisay, waxaana ka shaqeeya ku dhawaad 10,000 oo shaqaale ah, iyadoo miisaaniyaddeedu gaarayso ku dhawaad $40 bilyan (£32.25 bilyan) oo ka mid ah guud ahaan $68 bilyan oo dowladda Maraykanka ay ku bixiso gargaarka dibedda.

 

Xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ayaa hay'addan ku tilmaamay "mid gabi ahaanba aan ka jawaabin baahiyaha la xidhiidha siyaasadda dibadda ee Maraykanka," balse wuxuu xusay in hawlo badan oo hay'addan ay qabato "ay sii socon doonaan."

 

"Waxay noqon doontaa qeyb ka mid ah siyaasadda dibadda ee Maraykanka, balse waa in la waafajiyaa siyaasadda rasmiga ah ee dalka," ayuu u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan El Salvador.

 

Ma cadda sida ay maamulka Trump ugu talo-galeen in ay u hirgeliyaan isbeddelkan weyn.

 

Warbixintan ayaa timid kadib markii Elon Musk, oo madax ka ah hay'adda aan rasmiga ahayn oo diiradda saarta dhimista kharashaadka, uu sheegay in maamulka Trump uu qorsheynayo inuu gabi ahaanba xdho USAID.

 

Intii lagu jiray dhammaadka toddobaadkan, shaqaale dhanka amniga oo hay'addaas ayaa shaqada laga fasxay. Halkii boggii internetka ee shirkaddaas oo hawada ka baxay

 

Shaqaalaha hay'adda ayaa lagu amray inaysan imaan xafiisyada Isniintii, waxaana boqolaal shaqaale ah laga xannibay isticmaalka iimaylkooda shaqo, sida lagu sheegay farriin gudaha ah oo BBC-du heshay.

 

Wararka ka baxsan USAID, xubno ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in tallaabooyinka lagu xidhayo hay'addan ay ka hor imaanayaan sharciga, islamarkaana ay dhaawici doonaan amniga qaranka Maraykanka.

 

"Arrintani kaliya maaha hadiyad loo dirayo cadowgeena... waa sharci-darro badheedh ah," ayuu yidhi Senatar Chris Van Hollen oo ka tirsan gobolka Maryland.

 

Xildhibaan Johnny Olszewski oo isna ka socda Maryland ayaa soo xigtay warar sheegaya in ilaalada maxaabiista ee Suuriya, kuwaasoo masuul ka ah xakameynta kumannaan dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish, ay ku sigteen inay shaqada ka baxaan kadib markii la hakiyay gargaarkii Maraykanka ee kal hore.

 

"Tani waa nolosha dhabta ah, waa mid khatar ah oo dhab ah," ayuu yiri Olszewski.

 

Dhinaca kale, qaar ka mid ah xubnaha Dimuqraadiga ayaa ku eedeeyay Elon Musk inuu ka danbeeyo arrintan sababo la xidhiidha danahiisa ganacsi.

 

"Elon Musk wuxuu malaayiin doolar ka sameeyaa ganacsigiisa Shiinaha, Shiinahana waxay ku faraxsan yihiin tallaabadan maanta la qaaday," ayuu sheegay Senatar Chris Murphy oo ka tirsan gobolka Connecticut.

 

Elon Musk ayaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo barnaamij cusub oo lagu magacaabo Department of Government Efficiency (Doge), koox aan si rasmi ah uga tirsanayn dowladda balse Madaxweyne Trump uu siiyay awood ballaadhan oo uu ku dhimayo kharashaadka dowladda.

 

Xaaladda sharci ee barnaamijkan ma cadda, sidoo kalena lama hubin awoodda uu u leeyahay inuu amro in la joojiyo barnaamijyada dowladda. Barnaamijkan ayaa horey loola tiigsaday maxkamado dhowr ah oo la xiriira sharciyaddiisa.

 

Intii lagu jiray dhammaadka toddobaadka, Musk ayaa baraha bulshada ku daabacay farriimo badan oo uu ku eedeeynayo hay'adda USAID inay buux dhaafisay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

 

 

bbc/somali
     
Loading...