Mr. Rubin wuxuu iftiimiyay waxa ay horumarka ku gaadhay Somaliland SI uu aqoonsado Maraykanka.

Monday February 03, 2025 - 19:37:53
hadhwanaagnews
Mr. Rubin ayaa sheegay taas beddelkeeda in aanay Simaliland



Michael Rubin oo ka tirsan machadka American Enterprise, ayaa warbixin kaga hadlay haddii Trump uu booqdo Somaliland kadib socdaalkiisa Saudi Carabiya ay fursad weyn u noqonayso Maraykanka.

 

Warbixinta Micheal Rubin oo ay soo turjuntay wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa sheegay in Madaxweyne Trump ay u wanaagsan tahay inuu booqdo Somaliland oo uu ku tilmaamay mid si weyn uga dhex muuqata Afrika.

 

Warbixintu waxa ay xustay in muddo xileedkii hore ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ammaanay iskaashiga Taiwan ay la samaysay Somaliland. Tan iyo waqtigaasna xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan wuu sii xoogaysanayay uun ayaanba ayaanta ka dambaysa.

 

Mr. Rubin ayaa intaas ku daray in sababaha kale ee mudnaanta siinaya Somaliland ay tahay in Somaliland la kulantay burbur laxaadleh oo ay gaadhsiisay dawladdii macangaga ahayd ee Siyaad Barre sideetameeyadii. Xagga beesha caalamku ay ballaayiin dollar siinaysay Somalia, waxase uu ku dooday in dawladihii u kala dambeeyay Soomaaliya ay u janjeedhsadeen dhinaca shiinaha.

 

Mr. Rubin ayaa sheegay taas beddelkeeda in aanay Simaliland caalamka ka helin wax taageero dhaqaale ah, isla markaana aan la aqoonsan weli.

 

Mr. Rubin wuxuu iftiimiyay waxa ay horumarka ku gaadhay Somaliland aanay ahayn maaha deeqo dibadeed, haseyeeshee dadkeedu yihiin qaar hal abuur leh oo soo dhaweynaya ganacsiga xorta ah. Waxa kaloo uu tilmaamay inay Somaliland ku faanayso dekedda Berbera oo Baanka adduunku ku tilmaamay ta ugu horraysa dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

 

Micheal Rubin wuxuu sheegay in Somaliland keligeed ay ka hortagtay in argagixisadu gabood ka dhigtaan, iyadoon haddana aanay xidhiidh adag la samaynin dalalka dagaalka kula jira argagixisadu.

 

"Qurbojoogta Somaliland ee Maraykanka ee sida aadka ah u jooga Columbus, Washington, Atlanta waxay waxtar weyn ay geliyaan dhaqaalaha Maraykanka. Waxaana muwaadiniintaasi ka yimi Somaliland ay boosas muhiim ah ka hayaan shirkadaha Starbucks, dhinaca tacliinta iyo caafimaadka," ayuu yidhi Mr. Rubin.

 

Waxa kaloo Mr. Rubin carabka ku dhuftay in Somaliland ay tahay dalka kaliya ee Africa ugu sareeya ee leh isku filnaanshiiyo amni iyo isla xisaabtanka uu had iyo jeer uu ku khudbadeeyo Donald Trump.

 

 

Micheal Rubin wuxuu ku dooday in Madaxweyne Trump oo booqda Somaliland ay ku qaadanayso 90 daqiiqo marka uu ka soo duulo magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ilaa Berbera. Waxaanu caddeeyay inay safarkaasi noqonayo mid jBinaya darbi weyn, maadaama oo sida uu tiomaamay muddo dheer wasaaradda Arrimaha dibaddu masaalixda Maraykanka ay ka horreysiin jirtay Soomaaliya

     
Loading...