Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka Waddani oo ka hadlay Mushahar kordhinta iyo horumarinta Ciidamada

Thursday January 30, 2025 - 14:07:38
hadhwanaagtv
"Mushahar kordhinta Ciidanku waxay kamid ahayd qodobadii


Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in mushahar kordhinta xukuumaddu u samaysay Ciidamadu ay qayb ka tahay qorshaha dhismaha iyo horumarinta Ciidanka ee hor-tebinta barmaamuj-siyaasaddeedka xisbiga, isagoo ka hadlayey munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Bilayska Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ka dhacday Taliska Ciidankaasi ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey madaxweynaha talaabada uu sida dhakhsaha leh ugu kordhiyey mushaharka Ciidamada, waxaanu sidoo kale halkaasi ka sheegay ahmiyadda uu xisbigiisu siinayo hagaajinta haybada Ciidamada Qaranka.

"Mushahar kordhinta Ciidanku waxay kamid ahayd qodobadii ugu waaweynaa ee Buugga Xisbiga Waddani. Boqolkiiba laba boqol iyo konton (250%) in loo kordhiyo mushaharka Ciidamadu may ahayn wax layska qoraye waata madaxweynuhu digreetada ku soo saaray in la dhaqan-dheliyo, waanay fullaysaa hawshaasi, in Ciidamada dib-u-dhis iyo horumarin lagu sameeyaana Qaranka ayey haybadiisa kor u qaadaysaa” ayuu yidhi.

Guddoomiye Xirsi, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Ciidamada Bilaysku ay noqdaan hay’ad sharci-ilaalineed oo bulshada ugu adeegta si cadaalad ah, kana fogaadaan wax kasta oo xad-gudub iyo cadaalad-darro ah, si aanay sumcadoodu u xumaan.

Guddoomiyuhu waxa uu iftiimiyey dareenka uu xisbigiisu ka qabo xulashada hogaanka Ciidanka, waxaanu sheegay "Markii aanu mucaaridka ahayna waan qabnay, iminkana waan qabaa in aan Ciidanka Bilayska la milateri garayn ee isagoo Boolis ah sidiisa loo dhiso, milaterigana sidiisa loo dhiso, taas macnaheedu maaha in aan kala saraysiinayo labada Ciidan, balse waxa kala duwan dabeecadaha shaqadooda oo bilayska waxa la baraa Sharciga oo uu dadka ku ilaaliyaa, Milaterigana waxa la baraa difaaca iyo sida dalka looga ilaaliyo cadowga ku soo duulaya, labadubana waa Ciidamadeenii oo sharaf ayey mudan yihiin”

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, waxa kale oo uu ku taliyey inay muwaadiniinta Somaliland dabaqaan ku-dhaqanka Sharciga, si taasi loo hellona ay xukuumadda iyo xisbigeedu qaadanayaan masuuliyadda dhismaha hab-dhaqanka dhinaca sharciga ee bulshada ” waxaynu u baahanahay inaynu bulshada ku dhisno ku dhaqanka sharciga, hawshaana waxa laga sugayaa oo maanta xukunka joogta Xukuumadda xisbiga aan guddoomiyaha u ahay ee Waddani”

Xisbiyada mucaaridka ayuu sheegay guddoomiyuhu jnay ula dhaqmi doonaan si debecsan oo dulqaad leh, waxaanu ka rajeeyey dhankoodana in aanay ku xad-gudbin shuruucda
     
Loading...