*N.B Tallo Xumaani Waa Taws Ma Guurto Ah!
Horaa loo yidhi " Beeni waa laangadhe" Lugtaa keliya ee ay ku soctoto, marka la qabto bay dhacdaa, waxan hadaba uu soo qaatay, murtidan oo aan uga jeedaa. Maalmahan oo laga soo bilaabo maalintii " Axaddii" ee taariikh-du ahayd 26th/Juun/25, tan iyo markii Madax-weynaha S/Land Abdirahman Cirro uu u kicitimay Dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta, waxay heego iyo ceel-keedda ku shaqaysta " Tiktok, YouTube-ka iyo facebooks" soo derdera-yeen Madax-weynihii waa la waayey, qaar-kood waabay habaareen, kuwo kale waxay yidhaah-deen waxa lagu xidhay qol oo cid looma ogola, ka sii darane waxa la yaab lahaa kuwa yidhi " Diyaaraddii" baa la dhacday, muu tegin imaaraadka baa qaarna ku hadaaqa-yeen, heego waa naf la caarid, meel ay qabsato la' xataa hadalkii baa ka halaabay.
Odhaah kalenbaa iyana ahayd " Beeneey waa run" akhristaw wax-ba yey heego indhaha iska tuurin, ee si wacan haw liqdo oo ha iimaansato, waxa ka dhex socdda " Boqoradda Imaaraadka iyo Weftigga Madax-weyne Cirro", Waad ogaydeen in Diyaarad lhaas ah oo ah ta ay raacaan madax-doodu loo soo direy taas oo ahayd " Royal jet " Oo aanay abid cage saarin Askariggii afka dhulka loo daray iyo koo-diisii " Jin-dagaagay iyo Digsi-xagato " ee ay raaci jireen diyaaraaha rakaabka qaadaa sidda " FlyDubai, Alarabia, Daalli Airline iyo Ethiopian Air" Ilayn waa dad buka, oo naxli iyo cuqdad beerka googoysaye, intaas bay ka dhimanayaan, ilayn waa duulkii aynu naqaanaye. Waxay imikana wad-wadaan been aan meel gaadhayn oo ah Cirro iyo Boqpraddii Imaaraadka baa is af garan waayey, sidaas awgeed baa loogu yeedhay Askariga, laakiin xaalky sidaas maaha ee halkan hoose ka akhari.
Wixii hore-ba bikh bay ahaayeen akhristaw, Boqoradda Imaaraadku iyo Shirkadda DP WORLD, markii wefiggii ka socday S/Land la iska waraystay Dekedda Berbera iyo heshiis-yaddii ay wadda galeen maamulkii askariga,Wuxu yidhi "Madax-weyne Cirro" Waxa ku saabsan heshiis-yadda iyo mashaariicdda ay sheegaysaan, oo nalku wareejiyey ma jirto kamana war hayno, ee ciddii aad la gasheen l u doonta ee wax la saxeexa-teen. Halkaa markay maraysay, baa " Boqorka Mohamed-ka Dubai" Oo isagu toos u maal geliya shirkadda " DP WORLD " Uu kacay oo yidhi waa in ded-deg loogu yeedhaa Askariggii " Raggii ma adigaa ka hadhay " Si loo waydiiyo halka ay martay heshiiskii noo dhexeeyey? Iyo sababta uu ugu wareejin waayey, dhamaan, Mashaariicddii, lacagtii, baabuurtii aanu madax-tooyadda siinay Iyo hubkii aanu bixinay-ba. Arinta sidaas ah bay doona-yaan in ay ka galga-shaan, oo bahal been ah oo cadaan ah ay weli doona-yaan in ay ummadda ku maaweeliyaan, siday caruur wax u sheegayaan. Huuhaaddii dalka iyo dadka lagu rogay, ciidankii lagu jebiyey, ummadda ku kala dileen, ku boobeen hantiddii ummadda, bay weli caqli xumi-doodda is leeyihiin, maantana way idiin shaqayn doontaa, mase la yaabaayo oo masakax-ddii Askarta, jin-dagaagay iyo Digsi-xagato. Dhuuni-raac ee qabiil nacaybka ku salays-nayd.
*N.B Tallo Xumaani Waa Taws Ma Guurto Ah!
Abdi-Shotaly.