* N.B Ajal Dhimatay Dib Uma Soo Kacdo.
Waxa ay murti hore ahayd " Labadda Xaraan Wadda Cunay, Xumaan Bay Ku Kala Tagaan", Aan hoos ugu dhaadhaco seefta dhex miranaysa, kuwii heshiiska ku ahaa,beenta, isku-dirka, kala eriga ummadda, naxli abuurka, reer nacaybka, xaq darradda, cadaalad la'aanta, ee calooshu ku balaadhatay boobka hantidda ummadda iyo dhulka dan-yarta, baa akhristaw miino ka dhex qaraxday, mana jirto cid kala gurtaa, waa isku jiq oo fiinta baa dhex-miranaysa, xaalku wuxu marayaa waa " Car Iyo Carkee". Mudo baa ururka qudhmiye hoosta iska haystay si ay xal uga gaadhaan khilaafka ka dhex aloosan, laakiin waa lagu sii kala durkay.
Ma jirto daacadnimo ee munaafaqad hoosta ka beelaysan baa loogu kala baxay, waana sidan hoos ku taal runtii iyo xaqiiq-duye ee sidaad doonto u qaado:-
(a) Ugu horayn, beesha Garxajis ee gudidda ka mid ah, sidda ina Cabdi dheere, xildhi-baan Fanax, Bakhti dhega-Weyn way xan qarsadaan, beesha Awal ee uu hor kacayaan Jano-ka-Bood iyo Carfaaye. Geenyo-Shaaximan oo isna Hor mood u ah Xaliye ( Xinif), Cali Madhane ( Cali Mareexaan), sidaas awgeed wax-ba looma sheego Inta Garxajis ee labadaas guruub baa kala jiidanaaya, waxse kama aha meesha, ee waa lagu shaqaystaa.
(b) Beesha Awal iyaka laf-toodu ku kala duwan, Musharaxa iyo ka noqonaaya Gudoomiyaha. Sidaas oo ay tahay Mr Jano-ka-Bood wuxu rabaa in uu noqdo musharaxa soo socodda marka shirka golaha dhex la qabto, oo Geenyo-shaaximani meesha ka baxo, Abdilaahi dhegoole-na ( Waa Abdilaahi darawale) uu noqdo Gudoomiye. Sababta ay u sibir saarayaana waxa weeye, waa sidda ay leeyihiine, Geenyo-Shaaximani dad ma wato, oo HJ waxay u qaybsan tahay, oo ay kala raacday "KAAH IYO WADDANI" sidaas awgeed cod inoo keeni maayo ee ha ina dhaafo.
(c) Dhanka kale beesha Awal ( Gaar ahaan Ciise Muuse), iyana waxay leeyihiin, Wakhtigan anaka baa u leh musharaxa, Arab-na gudoomiyaha, ee hadaad tihiin sacad muuse dib u fadhiista, idinku waad qaada-teen markii-niiye. Jamaal Cali Xuseen baanu musharax u wadanaaye, Abdilaahi-Dhegoole-na gudoomiye ha noqdo, waayo ma hayno beel kale oo cod aan ka heli karno. Markaas waxa-ba ay ugu daran tahay beesha Awal dhex-doodda, oo kala bixi la'.
(d) Akhristaw Beesha HJ inta hogaanka kaga jirta qudhmiye, hoos baa looga faqaa, xaal-kuna wuxu ka marayaa marka la wadda hadlaayo " Salaan aan niyad ahayn, gacmaha la isi saaraayo" Geenyo-Shaaximani wuxu isku wadaa Musharaxa, Jano-ka-Bood-na gudoomiye ayuu leeyahay ha ku hadho. Sidda ay ku socoto-na waxa dhaw wakhtiggii la isula tegi lahaa gacmaha, waayo imika wax la qarin karo maaha, ee arintii debed bay u soo baxday.
Ugu dambay waxan ku soo xidhay maqaalkan. Qudhmiye gawracii wuu dhamays tirmay, oo rafadkii jooji, waa mayd kafantii lagu xidhay, iyadda oon la maydhin, laguna tukan, cid aastana aan haysan, buu cidlan ku jiraa naxashkii, ee kii hunguri weli kaga jiraw xabaasha la gal.
* N.B Ajal Dhimatay Dib Uma Soo Kacdo.
Abdi-Shotaly.