Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa shalay wareegto madaxweyne ku magacaabay Masuulyiinta Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu Maxamed Faarax Cabdi Nuur in uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland, halka Maxamed Cabdalle Xuseen Xasan na loo magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wareegtada madaxweynaha Somaliland, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxa ay u dhignayd sidan:- "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-046 /012025 uu ku magacaabay Masuulyiinta Hay’adda Horumarinta Waddooyinka
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-